Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay saraakiisha amniga

October 19, 2013 - Written by Editor

saraakiilMadaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh Maxamed Faroole ayaa maanta kulan balaaran madaxtooyada kula qaatay taliyayaasha ciidanka kala duwan ee Puntland waxana kulankaasi  looga hadlayey Amaanka Guud ee Puntland. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa  Madax weyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdi Samed Cali shire ,Wasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ,Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Jen Siciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere), Taliyaha Booliska ee Puntland Jen.Maxamed Siciid Jaqanaf,Taliyaha nabasiguda Puntland (PIS )iyo saraakiil kale .

Madaxweynaha Puntland  Dr.Cabdiraxmaan Sh  Maxamed Faroole ayaa markii uu dhageystay warbixinada kala duwan oo ay bixiyeen taliyaasha laamaha amniga Puntland ayaa waxaa uu warbixin kooban ka siiyey socdaalkii uu ku tagay wadamada Itoobiya,Yemen,Kenya, Imaaraadka iyo Jabuuti waxaana uu sheegay in ay si guul ah ugu soo dhamaatay.

Madaxweynaha Puntland  Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Faroole ayaa ku amaanay laamaha amaanka ee Puntland sida ay u adkeeyeen amaanka Puntland waxaana uu sheegay in Puntland ay leedahay cadow tiro badan loona baahan yahay in ay laamaha amniga ay aad u foojignaadaan.

Wasiirka amniga Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in amaanka Puntland uu yahay mid wanaagsan waxaana uu shacabka ugu baaqay in la shaqeeyaan laamaha amaanka si looga hortago qaraxyo iyo dilalka qorsheyn ay Al-Shabaab ka fuliyaan Soomaaliya.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online