Wafdi ka socda DFS oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose

October 20, 2013 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Wafdi uu horkacyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga C/kariin Xuseen Guuleed ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose,waxaana wafdigan uu hordhac u yahay socdaal uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tagi doono magaalada Kismaayo.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha ee DFS ayaa waxaa ka mid ah Wasiir ku xigeenka wasaarada  G/dhiga ee DFS C/raxmaan Dheere iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS.

Ujeedada Socdaalka wafdiga uu hogaaminayo wasiirka arimaha Gudaha ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa lagu sheegay in ay rabaan in Maamulka Juba ay ku qanciyaan in ay ka soo qeybgalaan shirka maalinta birito ah ka furmi doona magaalada Muqdisho kaas oo ay DFS ay iclaamisay looga hadli doono dib u heshiisiinta gobalada Jubooyinka.

DFS ayaa waxay ilaa intii laga saaray magaalada Kismaayo Bare Hiiraale ay isku dhabar jabsay in ay gudaha magaalada Kismaayo dib ugu soo celiso Bare Hiiraale taas oo ay ku fashilantay waxaana warar hoose ay sheegayaan in DFS ay dooneyso in Bare Hiiraale ay geyso magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo shirka maalinta birito ah ka furmaya magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in isbuucaan gudahiisa uu socdaal ama booqasho ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Maamulka KMG ee Jubba ayaa horey u sheegay in aysan ka qeyb gali doonin shirka uu iclaamiyey Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo maalinta birito ah ka dhici doona magaalada Muqdisho,

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online