Makka maxaan ku soo arkay? W/Q Sh Axmed Cabdisamad

October 20, 2013 - Written by Editor
sabiil-1Dad xoolohooda janno ku doonaya oo la taagan waddooyinka xujeydu marayaan cunto, biyo iyo cabbitaano kale. Waddada isku xirta Jidda iyo madiina, tan u dhexaysa Makka iyo Madiina iyo mida xiriirisa Jidda iyo Makka intaba waxaa ku yaal xarumo la joojiyo gawaarida xujeyda sida; si loogu qaybiyo cuntooyin iyo cabbitaano.Guryaha xujeydu daganyihiin marar badan waxaa la keenaa cunto iyo cabbitaan. Maalmaha xajkana dhinacyada waddooyinka waxaa yaal gawaari waaweyn oo sida cuntooyin ama cabbitaano xujeyda loo qaybinayo. Gawaaridaas iyo martisoorkaas waxaa keena dad kala duwan, sida madaxda dowladda, maalqabeenada waaweyn, jamciyado samafal iyo dad waxa yar ee ay heli karaan janno ku doonaya oo xoogaagooda midba meel la istaagayo ama ku qaybninayo.Waxaan arkay meel nin xaafad madax ka ah uu xujeyda biyo qabow ugu qaybinayo. Waxaan arkay gawaari cunto qaybinaysa oo waalidkii loo bixinayo. Waxaa kaa yaabinaya gaar ahaan habeenka Muzdalifa dad xujeyda soo baryaya oo doonaya inay cuntada ka qaataan. Nabigeenu scw markuu Madiina yimid wuxuu yiri: “Dadow salaanta faafiya, cuntadana bixiya, qaraabadana xiriiri yam habeenkiina tukada dadkoo hurda, jannada aad nabadgalyo ku gasheene.”Waxaan aad ugu farxay sida dadkaani madax iyo majo, qani iyo faqiir ay xadiiskaan ugu dadaalayaan. Horeyna waxaan u soo qoray askartu sida ay ugu dadaalayso khidmada xujeyda ilaa ay la gaartay inay biyo qabow ku firdhiyaan xujeyda ag maraysa; si ay u qaboojiyaan. Waa arrin mudan in aynu walaaleheen kaga dayano.

W/Q Sh Axmed C/samad

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online