Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdismed Cali Shire oo ku sii jeeda Degmada Taleex
October 21, 2013 - Written by EditorTaleex:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe Ee xarunta dowlada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Ku Xigeenka dowlada Puntland Jen Cabdisamad Cali Shire iyo Wafti uu horkacyo ay u Ambabaxeen magaalada Garoowe iyaga oo ku sii jeeda Degmada Taleex Xarunta Gobolka Sool.
Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan Taleex ayaa u xaqiijisay Halgan.net in Madaxweyne ku xigeenka Puntland laga sugayo Degmada Taleex halkaas oo shirar iska soo horjeeda laga qabanqaabinayo.
Gawaari badan oo Tikniko ah ayaa shalay gaaray Degmada Taleex kuwaas oo ay wateen ciidamo daacad u ah Jen Cabdisamed Cali Shire waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu dhexmaro ciidamo kala taageersan Khaatumo iyo Puntland.
Socdaalkan uu ku tagayo Taleex Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire ayaa noqonaya kii labaad uu ku tago Degmada Taleex.
M_M Deeq
Halgan.net