Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyey Degmada Kaxda
October 21, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo culus ka sameeyey degmada Kaxda oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ay ciidamada gacanta ku dhigeen dhalinyaro lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Kaxda Cabdi weli Yuusuf Axmed oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalada ay saaka sameeyeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab wuxuuna sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan.
Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka guriguri u baaray Degmada Kaxda waxaana dadweynaha ay aad uga cabteen qaabka ciidanka u baarayey guryaha iyo dhalinyaro ay xireen oo ay eheladoodu sheegtay in aysan ahayn Al-Shabaab.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka nasatay dagaladii fool ka foolka ahaa waxaana ay saraakiisha ciidanka DFS ay la tacaalayaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net