Dowlada Federaalka iyo Maamulka Jubba oo heshiis ku wada gaaray Kismaayo (Daawo)

October 21, 2013 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Shir ay isigu yimaadeen Madaxda Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka KMG ee Jubba ayaa waxaa lagu gaaray heshiis waxaan lagu heshiiyey in shirka  dib u heshiisiinta  ee gobalada  Jubooyinka wajigiisa kowaad lagu qabto magaalada Muqdisho halka wajiga labaad lagu heshiiyey in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xaunta Jubada Hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Dowladda Federaalka  Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo si wada jir ah saxaafada ula hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay wada gaareen hishiis ka dib kulamo uga socday magaalada Kismaayo mudo labo maalmood ah.

Labad Masuul ayaa saxaafada u sheegay in ay ku heshiiyeen in  la qabto shirkii dib u heshiisiinta gobollada Jubooyinka wajigiisa kowaadna lagu qabto Muqdsho wajiga 2-dna lagu qabto Kismaayo lana dhiso gudiyo farsamo oo ka kala socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba , waxaa kale oo la isla gaaray in ciidan beeleed daacad u ahaa Barre Aada Shire Hiiraale  loo ogolaado in  la dejiyo goob loo cayimay oo ku taal gudaha magaalada Kismaayo.

Shirka dib u heshinta gobollada Jubooyinka oo uu horay ugu dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha DFS  ayaa waxaa la filayey in uu maanta bilowdo balse dib ayuu u dhacay ka dib markii uu jiray khilaaf hore oo ku saabsan qaabka shirka u soconayo iyo cida ka qayb galaysa.

Waxaa sidoo kale ay labada dhinac isku raaceen in guddiyo ka kooban dowladda Soomaaliya, maamulka Jubba iyo AMISOM ay ka shaqeeyaan arimaha lagu heshiiyey dhamaan.

Hoos ka Daawo Shirjaraa,id oo ay Kismaayo ku wada qabteen Madaxweynaha Maamulka Jubba iyo Wasiirka Arimaha Gudaha DFS

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online