Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo gaaray Taleex

October 22, 2013 - Written by Editor

10Taleex:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa waxaa uu safar ku gaareen magaalada Taariikhiga ah ee Taleex ee gobolka Sool wafdiga madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Cabdi  Ibraahim Warsame Qowdhan oo lagu naanayso  (Cabdi Halas), Xildhibaano ka tirsan Puntlland iyo Saraakiil ciidan.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa lagu soo dhaweeey markii ay soo gaareen meel u jirta magaalada Taleex 15 KM waxaan kaga hortagey , dadweyne fara badan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Taleex. Magaalada Taleex ayaa intii uusan soo gaarin  magaalada waxaa ka soo horeeyey ciidamo fara badan oo aad u hubaysan iyagoo watay gadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah, Ciidamadaan ayaa waxaa la sheegayaa in u jeedadoodu ay ahayd in ay sugaan amaanka madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo masuuliyiinta kale ee ku weheliya socdaalkiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdi samad Cali Shire ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doono Garaad Saleebaan iyo odayaasha degmada Taleex waxgaradka , iyo bulshada qaybaheeda kale duwan. Magaalada Taleex iyo degaanada ku xireen ee Gobolka Sool ayaa waxaa ka da’ay roob aad loogu diirsaday waxaan dadka wajigooda ka dheehan kartay farxad ay ku faraxsan yihiin nimcada alle siiyey.

Waa Socdaalkii labaad oo uu Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu ku tago magaalada Taleex ee Gobolka Sool ilaa haatan lama yaqaan sababta uu maanta u gaaray Taleex Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamed Cali Shire.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online