Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari oo xukun dil ah riday

October 23, 2013 - Written by Editor

maxkamadBoosaaso:-Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari ayaa maanta waxaa ay dil toogasho ah ku xukun tay labo qof oo lagu eedeeyey in ay dileen marxuun Maxamed Bashiir oo mudo 5 bilood ka hor ay ku dileen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. 2-da eedeysane ee lagu xukumay dilka ayaa waxaa ay kala yihiin Iftin Maxamed Cismaan,oo ahayd marwadii uu qabay ninka la dilay iyo nin magaciisa lagu sheegay Tamaan waxaan ay labad gacan ku dhiigle ka soo jeedaa Qawmiyada Oromada ee dalka Itoobiya.

Xeer ilaaliyaha Maxakamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari Bashiir Hoobalay ayaa maxkamada ka sheegay in gacan ku dhiig layaasha ay ku cadahay dilka Marxuum Maxamed Bashiir iyagoo dilkiisa u adeegsaday Tooray ka dibna ku aasay isla guriga uu deganaa walow usbuucii hore ay ciidanka Booliska Boosaaso ay helleen meydka Marxuun Maxamed Bashiir.

Guddoomiyaha Maxakamada darajada 1aad ee Gobolka Bari Axmed Salaad Axmed ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamada isagoo dil toogasho ah ku riday Iftin Maxamed iyo Tamaan,halka Eedeysane kale oo lagu magacaabo Cabdishakuurna dib loo dhigay xukunkiisa lana soo baarayo.

Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Bari Axmed Salaad Axmed ayaa saxaafada u sheegay in marxuunka la dilay Maxamed Bashiir uu ahaa nin ka shaqaysatay oo dhisa Musqulaha ka dibna kuwa dilay ay u dileen xooggaa lacag ah oo uu shaqaysan jiray.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online