Madaxweyne Faroole oo maanta furay mashruuc lagu horumarinayo deegaanka Puntland

October 23, 2013 - Written by Editor

madaxweyne_farooleGaroowe:-Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole ayaa maanta daah furay mashruuca horumarinta deegaanada Puntland mashruucan ayaa waxaa lagu maal-geliyey Aduun dhan 25 milyan oo Euro waxaana uu mashruucan socon doonaa mudo 3 sano ah.

Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa si rasmi ah u furay mashruuca lagu horumarinayo deegaanada Puntland waxaana mashruuca taageeraya Ururka Midowga Yurub , mashruucan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa ilaalinta deegaanka, ka hortaga xaalufka ,biyo xireenadda,wax ka qabashada dooxooyinka, wacyigelinta bulshada iyo arrimo kale.

Mashruucan balaaran ayaa waxaa maamuli doona wasaarada deegaanka, duurjoogta iyo dalxiiska, waxaana si rasmi ah u fulinaya hay’adaha Care International iyo Adeso . Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wax laga qabto amaanka Puntland waxaana uu amaan gaar ah u soo jeediyey dumarka deeganada Puntland isaga oo sheegay in ay kaalin muhiimka ah kaga jiraan horumarinta Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online