Allaha unaxaristee Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo lagu aasay Muqdisho

October 27, 2013 - Written by Editor

sawirMuqdisho:-Allaha unaxaristee waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo ugeeriyooday xalay dhaawac  kooxo hubeysan ay u geysteen isaga oo ku sugan Degmada Wadajir.

Aaska Wariye Maxamed Maxamuud Timacade ayaa waxaa ka soo qeybgalay Milkiilaha Tv-ga Universal  Axmed Abuubakar  iyo dhamaan dhaqaalaha TV Universal ee magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale goobka ku sugnaa wariyaal badan oo ka howlgala warbaahinta kala duwan ee magaalada Muqdisho waxayna tacsi u direen dhamaan ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Wariye Maxamed Maxamuud Timacade .

Wariye Maxamed Maxamuud Timacade ayaa waxaa lagu aasay gubuuraha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxaana goobta fariimo kala duwan ka diray ehealada Wariye Maxamed Maxamuud Timacade  iyo wariyaal tiro badan waxayna ugu baaqeen DFS in ay wax qabto gumaadka lagu hayo wariyaasha Soomaaliyeed.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online