Ra’iisul Wasaare Saacid oo kulan la qaatay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Holland

October 28, 2013 - Written by Editor

IMG_5136Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta xaafiiksiisa ku qaabilay wafti ka socda dowlad Holland oo ay hogaaminyaso Wasiirka Arrimaha Dibada, Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga Liliane Ploumen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey booqashadeeda ay markii ugu horaysay ku timaado Soomaaliya iyadoo hogaaminaysa ganacsato reer Holand ah, si ay u arkaan horumarka xaalada nabad galyo ee dalka.

“Waa arin na farxad galinaysaa inaan aragno ganacsto ajaanib ah oo doonaya inay soo booqdaan Soomaaliya si ay u maalgashtaan, “ganacsatada ka imanaya dibada waxay  halbowle u yihiin horumarka dhaqaalaha Soomaaliya waxayna arinkaas ka caawinaysaa dadkeena in ay helaan fursado shaqo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana  u diray fariin adag caalamka taas oo ka turjumaysa sida Soomaaliya dib ugu soo noqotay diyaarna ugu tahay inay soo dhaweyso ganacsatada shisheeye.

Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Holand isla soo qaadeen sidii loo fulin lahaa Higsiga Cusub (New Deal) iyo dukumentigi lagu saxiixay shirkii Brussels  iyo sidii loo sii wadi lahaa ka dhabayntii balan qaadkii dowlada Holland ee shirkii Brussels. “Waxaan uga mahadcelinayaa dowlada Holland si wadidooda taageerada iyo kaalmada ay siiyaan Soomaaliya iyo balan qaadkooda deeqdii loogu yaboohay Soomaaliya shirkii Brussels. Higsiga Cusub wuxuu siinayaa Soomaaliya fursado dib loogu dhisayo, dhamaan taageeroyinkaas waxaa loo marayaa Barnaamijka Higsiga Cusub oo ay ku dhan yihiin baahiyaha ka jira dalka.

Dowlada Holland ayaa safka hore uga jirta dowladaha taageera Soomaaliya, waxaan waftigaan uu qayb ka yahay wufuuda caalamiga ah ee booqashada ku imaanaysa Soomaaliya si ay xoojiyaan taageerada ay siinayaa New Deal-ka.

—DHAMAAD—
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogadisho-Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online