Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xiray ciidanka Asluubta.[Masawiro]

October 29, 2013 - Written by Editor

15Garoowe:-Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Sh.Maxamed Faroole ayaa maanta waxaa uu tababar socday mudo saddex asbuuc ah u soo xiray qaar ka tirsan ciidanka Asluuta oo tababar lagu siinayey xarunta taliska ciidanka asluubta ee ku taal duleed ka magaalada Garoowe.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland ayaa aad u soo dhaweeyey tababarka la siiyey dhalinyaradaan ka tirsan ciidanka Asluubta isagoona mahad gaar ah u jeediyey Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar iyo masuuliyiin ka tirsan UNODC. Madaxweynaha Puntlland ayaa ku waaniyey dhalinyarad ciidanka asluubta ee loo soo xiray tababarka in wixii la baray ay uga faa’iideeyaan bulshadooda waxaan uu intaas ku daray in tababarad noocaan oo kale ah la joogtay doono.

Ciidanka asluubta ee tababarka loo soo xiray ayaa waxaa ay u badan yihiin dhalinyaro waxaan ay duruus kala duwan  oo ay qaateen la xiriirtaa qaabka ay ula dhaqmayaan  maxaabiista, sidda loo qabto ama loo xiro qofka danbiilaha ah iyo qaabka looga hortago  falalka amaanka lidka ku ah.

no images were found

Xaflada tababarka loogu soo xirayey ciidanka asluubta ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay Wasiirka Cadaaladda  iyo  Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar  iyo saraakiil kale oo ka tisan laamaha amaanka.Gabagabadii Xaflada ayaa Madaxweynaha Puntlland iyo  Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar  waxaa ay soo kormeereen Xabsiga weyn oo ku yaal magaalada Garoowe uuna ku socdo dhismo  dhawaana xariga laga jari doono.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online