Wasiirka waxbarashada Puntland oo sagootisay 38 arday oo deeq waxbarasho ka helay Sudan
October 29, 2013 - Written by EditorWasaarada Waxbarashada Puntland ayaa maanta waxaa ay sagootiyeen arday waxbarasho ka heshay dalka Sudan ka dib markii ay ka qalinjabiyeen dugsiyadda sare ee Puntland. Xaflada lagu sagooti nayey ardaydaan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxa) wasiir ku xigeenada wasaarada waxbarshada iyo agaasimaha guud ee wasaarada waxbarshada.
Ardayda deeqda waxbarshada heshay ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen gobollad Puntland waxaan ay tiradooda ay gaaraysaa ilaa 38 arday. Wasiirka waxbarshada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa oo la hadlay ardayda ayaa waxaa uu kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan fursadaan waxbarsho ayna u adkeystaan duruufaha ay kala kulmaan waxbarshadooda si mustaqbalkooda ay uga faa’iidaystaan isagoo kula dardaarmay midnimo.
Wasaarada waxbarashada ee Puntland ayaa waxaa ay horay arday deeqo waxbarsho ugu dirtay dalalka Yeman , Itoobiya, Sudan iyo Turkiga , Wasiirka waxbarshada Puntlland Cabdi Faarax Juxa ayaa intii uu xilka hayey waxaa uu ku guulaystay in arday badan oo ka soo qalin jabisya dugsiyadda sare ee Puntlland ay dalka dibadiisa ka hellan deeqo waxbarasho oo kala duwan.
M_M_Deeq
Halgan.net