Ra’iisul Wasaaraha oo u kuurgalay koboca dhaqaale ee Bankiga dhexe iyo Dekadda

October 30, 2013 - Written by Editor

bankMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta kormeeray koboc iyo horumarada dhaqaale ee Bankiga dhexe iyo Dekedda Muqdisho, waxaana kormeerkiisan ku wehliyay Wasiirada Maaliyadda, Howlaha guud, Arrimaha gudaha iyo Warfaafinta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii kormeerkiisan ku tegay xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliyeed, halkaasoo uu kula kulmay madaxda Bankiga, isaga oo ka dhegeystay warbixin Maaliyadeedka dawladda iyo horumarka ay hiigsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu kormeerkiisan soo gabagabeeyey warbaahinta u sheegay in ujeedada kormeerkani uu ahaa sanad kadib isbedelka dhaqaale iyo horumar ee ka jira illaha dhaqaalaha dawladda, wuxuuna xusay inay jirto isbedel iyo koboc dhaqaale oo aad u ballaaran.

“Waxaan si fiican ugu kuurgalay isbedelka dhaqaale iyo horumar ee ka jira Bankiga dhexe iyo Dekadda, waxayna ii sheegeen mas’uuliyiinta Dekadda in kororka dhaqaale ee Dekedda ee sanadkii hore iyo sanadkan uu yahay Boqolkiiba todobaatan iyo labo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, isaga oo sidoo kalena xusay in dakhliga qeybo badan oo ka mid ah dekadda lagu sameeyey horumarin.

“Maadaama Dekada Muqdisho ay tahay isha ugu ballaaran ee dhaqaalaha ka soo galo dawladda, waxaan ku talo jirnaa inaan iskaashi la sameyno shirkad Turki ah, si ay u ballaariso, u casriyeyso isla markaana maalgelin xoogan ugu sameyso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Maareeyaha Dekada iyo kuxigeenadiisa.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa xusay in ahmiyadda koobaad ee dawladda ay tahay sugidda amniga, balse ay muhiimad gaar ah siinayaan bobcinta dakhliga dawladda iyo maalgashiga.

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online