Madaxweynaha DFS oo maanta booqasho ku tegi doona magaalada Kismaayo

October 31, 2013 - Written by Editor

diyaaradKismaayo:-Madaxwaynaha DFS Xasan Sh.Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta la filayaa in safar ay ku yimaado magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose. Wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh Maxamuud ayaa laga sugayey usbuucaan in uu safar booqasho ah ku gaaro Kismaayo blase dhowr jeer oo hore ka baaqday, Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa waxaa ay kulan la qaadan doono Madaxda ugu saraysa Maamulka Jubba iyo odayaasha dhaqanka ee Jubbooyinka ee hadda ku sugan Kismaayo.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Jubba ee Kismaayo ayaa saxaafada u sheegay in ay rajaynayaan in maanta uu soo gaaro Madaxweynaha DFS Xassan shiikh Maxamuud haddii aan wax is bedel ah uusan ku imaan socdaalkiisa.Wafdi iskugu jira Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil ciidan ayaa saaka soo gaaray magaalada Kismaayo iyagoo hordhac u ah safarka Madaxweyne DFS Xassan Shiikh Maxamuud uu ku imaan doono magaalada Kismaayo.

Maalmihii u dambeeyey  ayaa waxaa  laga dareemayey magaalada Kismaayo u diyaar garoow xooggan oo la doonayo in lagu soo dhaweeyo wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh .Ciidanka maamulka Jubba ee Kismaayo iyo ciidanka AMISOM ayaa waxaa ay ku howlan yihiin sugida amaanka goobaha muhiimka ah iyo wadooyinka la filayo in madax weynaha DFS iyo wafdigiisa ay soo maraan waxaan si aad ah loo adkeeyey goobaha ku dhow dhow garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo madaxtooyada maamulka Jubba.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online