Ciidanka Itoobiya oo la wareegay degmada Xudur ee gobolka Bakool
March 7, 2014 - Written by EditorXudur:-Ciidanka Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM oo kaashanaya ciidamo Soomaali ah ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Xudur ee gobolka Bakool ka dib markii ay ciidanka Al-shabaab ee gacanta ku hayey ay ka baxeen magaalada.
Ciidanka Itoobiya ee ku biiray AMISOM ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa ay dhaq dhaqaaq ciidan ay ka wadeen xuduudda u dhexeeysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyagoo isku diyaainayey in mudo ah in ay qabsadaan deegaanada ay gacanta ku hayaa Al-shabaab ee ku yaal Gobolka Gedo iyo Bay iyo Bakool.
Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaaliya Wondimu Asaminew oo waraysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in ciidamadoodu ay si nabad ah oo aan dagaal laheyn ula wareegeen degmada Xudur ayna ciidamadoodu ay kaabiga ku hayaan magaalda Buurdhuubo ee gobolka Gedo.
Sidoo kale afhayeenka u hadlay kooxda Suufiyadda ah ee gobollada Koonfureed Sh.Mohamed Hussein Isaaq (al- Qaadi) ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan ururkooda ay gacan siinayaan ciidanka Itoobiya ee duulaanka ku ah fariisamaha Al-shabaab ayna qabsadeen degaanka Birta-dheer ee Gobolka Gedo.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab oo tilmaamaya in ciidanka Itoobiya ay kala wareegeen degmada Xudur ee gobolka Bakool.
A/cawaale
Halgan.net