Ciidanka DFS iyo kuwa Itoobiya oo sheegay in ay la wareegay degmada Buur-dhuubo
March 9, 2014 - Written by EditorGedo:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa sheegaya in dagaalo u dhaxeeyay ciidamada DFS kuwa Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Buur-dhuubo,dagaalka ayaa geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa galabta sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Buur-dhuubo ee gobalka Gedo ka dib markii ay Al-Shabaab isaga baxeen .
Col. C/laahi Cismaan oo ah abaanduulaha ciidanka DFS ee gobalka Gedo ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka carareen degmada Buur-dhuubo.Col. C/laahi Cismaan ayaa sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ay galabta la wareegeen galabta degmada Buur-dhuubo ee gobalka Gedo wuxuuna sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan.
Col. C/laahi Cismaan ayaa sheegay in ay dagaalka ka dhanka ah kooxada Al-shabaab uu sii socon doono isaga oo ku goodiyey in degmada Buur-dhuubo ka dib ay gaari doonaan degmada Baardheere. Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ku sugan duleedka degmada Buur-dhuubo ee dhinaca wadada aada degmada Qansax-Dheere ee Gobolka Baay.
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalada ka socda gobalada Bay,Bakool iyo Gedo oo ay guulo ka sheeganayaan ciidamada AMISOM iyo saraakiisha ciidanka DFS.
A/Cawale
Halgan.net