Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Buulo-burte
March 13, 2014 - Written by EditorBuulo Burde:-Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka hellay ciidanka Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM ayaa waxay goor dhow la wareegeen Degmada Buulo-burte ee gobalka Hiiraan ,Degmada Buulo-burde ayaa waxaa ay 125 KM dhanka Waqooyi ka xigtaa magaalada Muqdhso waxaan ay isku xirtaan magaalooyin dhowr ah oo ku yaal Koonfurta iyo Badhtamaha Somalia.
Ciidamada huwanta ayaa ka soo galay Degmada Buulo-burte Galbeedka waxaana iska horimaad kooban uu ku dhexmaray ciidanka ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa AMISOM Deegaanka Garablaawe ee Galbeedka Buulo-burte oo ilaa 8-km u jirta Degmada Buulo-burte.
Intii uu socday Dagaalka ayaa ciidamada Itoobiya waxay Madaafiic ku garaaceen Degmada Buulo-burte waxaana dadweynihii ku noolaa Degmada ay ku xaroodeeen guryahooda. Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa haatan waxay fariisumo ka dhigteen xarunta Degmada Buulo-burte iyo Saldhiga Booliska waxaana ay miino baaris ka bilaabeen xarumaha ay la wareegeen iyaga oo ka baqaya in miinooyin ay ugu aaseen ciidanka Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo, ayaa waxaa uu la socdaa ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sidda wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ay sheegayaan.
Cabdi yare
Halgan.net