Ugaaskii beesha Cawramale Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow oo lagu dilay Kismaayo
March 24, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in galabta lagu dilay gudaha magaalada Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow oo ah Ugaaska Beesha Cawramale waxaana dilka geystay koox bistoolado ku hubeysan waxaana Ugaaska lagu dilay xaafadda Calanleey.
Kooxda dilka u geystay Ugaaskii beesha Cawramale Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow ayaa goobta ka baxsaday waxaana goobta soo gaaray Ciidamada Maamulka ku meel-gaarka ah ee Jubba,iyaga oo goobta ka bilaabay baaritaanno.
Ugaaska beesha Cawramale Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow ayaa waxaa uu ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee sida weyn looga yaqaan magaalada Kismaayo waxaana uu wax ka soo dhisay Maamulka KMG ah ee Juba ee uu Madaxweynaha u yahay Ahmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)
Dilka Ugaaska Beesha Cawramale Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow ayaa waxaan la ogeyn cid ilaa hada dishay balse waxaa looga shakisan yahay Ururka Al-Shabaab oo gaalnimo iyo dil ku xukumay odayaasha dhaqan ee soo dhisay Maamulka KMG ee Juba.
Warar hordhac ah oo aan wili la xaqiijin ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay kooxdii dishay Ugaaska beesha Cawramale Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow.
Warka oo faahfaahsan dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshalaaah
Cabdi Yare
Kismaayo