Madaxweynaha Dowladda Puntland oo tegay degaanka Galgala.[Masawiro]
March 25, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas oo ay galbinayaan cutubyo ka tirsan ciidanka daraawiishta , kuwa Nabadsugida ee PIA ayaa saaka safar shaqo ku tegay xarumaha ay ciidanka Puntland kaga sugan yihiin Buuraha Golis ee Aaga Galgala.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Gaas ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyey wasiirka amniga Xassan Aloore ,Taliyaha difaac ciidanka Puntland Gen.Siciid Dheere iyagoo warbixin kale duwan ka dhagaystay taliyaash ciidanka difaac ee Buuraha Golis.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay ciidanka daraawiishta ee ku sugan jiida hore ee Buuraha Golis ayaa sheegay in dowladda Puntland ay dhawaan dagaal la geli doonto kooxda Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya Buuraha Golis iyo kuwa taageera.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kale oo uu ciidanka u sheegay in dowladdu ay awood saari doonto dhaqdhaqaaq kasta oo ka socda xeebaha macmalka ah si aan wax hub ah uga soo degin.
no images were found
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa safarka degaanka GalGala ka dib waxaa uu u socdaalay degmada Carmo ee Gobolka Bari halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono waxgaradka iyo Issimada ku sugan degmada Carmo.
M_M_Deeq
Halgan.net