Xaalada magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug oo saaka degan iyo taliye la dilay
September 3, 2011 - Written byGaalkacyo:-Xaalada Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa saaka dagen ka dib dagaalo ka dhacay labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaana ka jira cabsi iyo xiisad dagaal.
Odayaal iyo waxgarad ku sugan magaalada Galkacyo ayaa wada waanwaan ay ka dhex wadaan ciidanka Puntland iyo koox dhalinyaro ah oo hubeysan oo ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha degan magaalada Gaalkacyo Isimada iyo nabadoonada ayaa saaka ku guuleystay in xabad joojin ay dhex dhigaan labada dhinac.
Dhanka kale waxaa lagu dilay saaka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug Taliyihii Ciidanka Daraawiishta ee gobalka Mudug Maxamed Muuxe ilka dheer xili uu ku guda jiray in uu kala qaado labada dhinac ee uu dagaalka ka dhexeeyo.
Dilka Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee magaalada Gaalkacyo Maxamed Muuxe ilka dheer ayaa yimid xili ay ka socdeen xarunta dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo kulan ay waxgaradka magaalada Gaalkacyo ay uga xaajoonayaan sidii loo joojin lahaa colaada ka socta magaalada Gaalkacyo.
M_M Deeq
Halgan.net