Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qayb-galay shir ku saabsan kor u qaadida nafaqaynta hooyada iyo dhallaanka (Masawiro)
March 9, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 9-3-2015 Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qabtay shir ku saabsan kor u qaadida nafaqaynta hooyada iyo dhallaanka .
Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socday Wasaaradaha kala ah Wasaarada Caafimaadka Puntland, Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland, Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska , Wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland, Wasaarada Warfaafinta iyo Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland.
Mudadii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay kor u qaadida nafaqaynta hooyada iyo dhallaanka Puntland, daahfurida iyo in la dedajiyo qorshaha lagu howlgalinayo inta uu socda barnaamijkaasi iyo sidii qaaraan loogu ururin lahaa nafaqaynta hooyada iyo dhallaanka Puntland.
Barnaamijka kor u qaadida nafaqaynta hooyada iyo dayaa waxaa si weyn uga faa’iidaysta 36-wadan, waana markii ugu horaysay ee laga hirgeliyo Soomaaliya waxaana si tijaabo ah looga fulinayaa guud ahaan Gobolada Puntland.
Dawladda Puntland iyo hay’addaha kala WFP, WHO, UNICEF, FSAU, USAID, NGOS Sicil Society Forum, Private Sector Forum, Academiand Research Institution ayaa si weyn isaga kaashanay hirgelinta iyo socodsiinta Barnaamijkaan.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in muhiim ay tahay in loo dhabar adaygo sidii loo hirgelin lahaa mashruucaan, maadama uu ku yimi dedaal dheer oo ay dawladda Puntland ugashay sidii Puntland looga fulin lahaa mashruucakani.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Camey ayaa ugu dambeyntii sheegay inay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo korna loo qaado nafaqaynta hooyada iyo dhallaanka ee Puntland.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.