Saraakiisha ciidanka Jubbaland oo sheegay in ay deegaanno hore leh ay dagaal ku qabsadeen
December 23, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Ciidamada Maamulka Jubbaland oo kaashanaya ciidanka AMISOM ayaa saaka waxaa ay la wareegeen degaanno ku yaala galbeedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubada hoose. Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dagaal ay la galeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay kala wareegeen dhowr tuulo oo ay mid yihiin Beerxaani, Qudus iyo Cabdi Dhoore.
Dagaalka u dhexeeyey ciidanka Jubbaland oo ay taageerayaan kuwa AMISOM iyo ciidanka Al-shabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac walow aan ilaa hadda wax faahfaahi rasmi ah aan laga hayn marka laga reebo guulaha ay Saarkiisha ciidanka Jubbaland ka sheegteen dagaalkii saaka.
Madaxda maamul gobolleedka Jubbaland ayaa dhowr mar waxaa ay saxaafadda ka sheegeen in ay qaadi doonaa dagaalo ay doonayaan in ay kula wareegayaan goobaha iyo deegaanada ay weli gacanta ku hayaan ciidanka Al-shabaab ee ku yaal gobolka Jubbada Hoose, Dhanka kale maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamo sheegtay in ay raacsan yihin ururka Daaicsh ee ka dagaalaa Ciraaqa iyo Syria waxaa ay sheegteen in ay qabsadeen deegaano dhowr ah oo ku yaal gobolka Jubada Hoose.
A/cawaale
Halgan.net