Shirka golaha wasiirrada Puntland oo laga soo saaray Warmurtiyeed (Akhriso)
December 31, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Shirka golaha wasiirrada Puntland oo shir gudoominayay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo amniga dalka iyo arimo kale waxaana dowladdu ku ansixisay labo xeer oo khuseeya shirkadaha dhismaha iyo wasaaradda Kalluumaysiga Puntland.
no images were found
Kulanka Shirka golaha wasiirrada Puntland ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday furitaanka garoonka diyaaradaha Bosaso waxaana warbixinno laga dhagaystay guddi arrinta daah-furka loo xilsaaray, iyo shirkado caalami oo ka imaan doona dalalka dariska la ah Somalia iyo caalamka.
Hoos ka Akhriso Warmurtiyeedka ay soo saareen golaha Wasiirada ee Puntland. no images were found
M_M Deeq
Halgan.net