Dowladda Sacuudiga oo dil ku fulisay 47 qof oo ay ku eedeysay in dilal iyo qaraxyo ka geysteen Sacuudiga.[Dhagayso]
January 2, 2016 - Written by EditorWaxaa ay Dawladda Sacuudi Carabiya dil toogasho ah ay ku fulisay 47 qof oo lay ku eedeeyeen in ay fuliyeen falal lid ku ah amniga iyo nabadgeyada dalka Sacuudiga iyo in ay ka tirsanaayeen ururka Al-qacid oo weeraro iskugu jira qaraxyo iyo dilal ah ka fuliyey gudaha dalka Sacuudiga. Dadka dilka lagu filiyey waxaa ka mid ah nin shiico ah oo magaciisa lagu sheegay Nimir Al-Nimir, kaas oo lagu hellay abaabul ka dhan ah nabadgelyada dalka Sacuudiga iyo in uu abaabulay banaanbax sababay dil loo geystay nin Boolis ah. Toogashada ayaa la sheegayaa in ay ka dhaceen ilaa 12 goobood oo kale duwan waxaan dilka u dhacay dil toogasho ah halka qaar lkaena seef surka looga gooyey.
Hoos ka Dhagayso wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga oo faafisay bayaanka dilka 47 qof
M_M_Deeq
Halgan.net