Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan oo ugu baaqay Madaxda Soomaalidu in ay hishiis gaaraan
January 8, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo saaka khudbada ka jeediyey xafladii furitaanka garoonka diyaaraha magaalada ee Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa bogaadiyey dhismaha cusub ee garoonka Boosaaso isagoo sheegay in dhismaaha garoonka Boosaaso uu yahay guul u soo hoyatay Soomaali oo dhan.
Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa yiri ” Waxaan ugu baaqayaa Soomaali guud ahaan gaar ahaan reer Puntland in 1-KM ee ka dhiman garoonka Boosaaso loo howl galo siddii loo dhamayastiri lahaa”
Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sidoo kale ugu baaqay Madax weynaha Puntand iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gurmada loo fidiyo shacabka degan Gobolka Gardafu oo dabaylihii ka dhacay Soomaaliya ay khasaaro u geysteen.
Dhnac kale Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed in ay ka hishiiyaan khilaafkooda ayna gacan siiyaan shir loo balan san yahay in dhawaan Issimada Soomaaliyeed loogu qabto magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
Hoos ka Dhagayso Khudbadii uu xaflada furitana ka jeediyey Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse [Dhawaan File]
M_M_Deeq
Halgan.net