Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo u amba-baxay Kismaayo.[Masawiro]
January 10, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti ballaan uu hoggaaminayo ayaa maanta 10-Jan-16 ka amba baxay magaalada Boosaaso ee xarunt Gobolka Bari iyagoo kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel-gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubba-land.
Waftiga Madaxweynaha oo isugu jira golayaasha Dawladda Puntland iyo xubno meteleya bulshada rayidka ah ayaa magaala Kismaayo u aadey kaqayb galka shirka lagu go’aaminayo habka ay noqon doonaan Doorashooyinka lafiyo dalka inay kaqabsoomaan sannadka 2016-ka.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo qolka nasashada ee Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay Madasha shirka la tegi doonaan aragtidii shacabka Puntland ee ay hore u geeyeen madalihii looga hadlayey Mustaqbalka Soomaaliya iyo Hannaanka doorashooyin oo dabayaaqadii sannadkii tegey lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Aragtigaas oo ahay in Deegaan wax lagu soo doorto si loo helo metelaad shacab oo dhab ah isla markaasna leh la-xisaabtan dhab ah si loogu adeego shacabka, taas oo haddii ay suura gasho noqon karta mid meesha ka-saarta is qab-qabsigii ragaadiyey dawladihii dalka u kala dambeeyey.
no images were found
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND