Madaxweynaha Dawladda Puntland Kismaayo kaga qayb galay xaflad soo dhoweyn ah.[Masawiro]
January 16, 2016 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 15-Jan-2016 magaalada Kismaayo kaga qayb qalay munaasabad lagu soo dhoweynayey madaxda soomaalida ee kismaayo u joogta shirweynaha madasha wada tashiga qaran ee geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.
Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynaha Dawladda Jubba-land iyo Madaxweynayaasha maamulada ku meel-gaarka ah ee Koonfur-galbeed iyo Gal-Mudug iyo xubno kasocda labada gole ee Dawladda Federaalka ah iyo Dawladaha Xubnaha ka ah iyo dadweyne kale.
Munaasabadda oo gun-dhiggeedu ahaa xoojinta iyo hoga –tusaalaynta midnimada soomaaliya iyo qiimaha ay leedahay Qarannimada soomaaliya ayaa waxaa lagu soo bandhigay intii ay socotey Heeso iyo Riwaayado ka turjumaya midnimada iyo qiimeeheed iyo dawlad la’aanta iyo dhibaatooyinkeeda.
Sidoo kale waxaa munaasabadda lagu soo bandhigay riwaayado sawir kabixinaya dhibaatooyinkii kala duwanaa ee uu soo maray dalku, kuwaas oo isugu jirey colaadihii sokeeye, kooxo-diimeedyadii, tahriibtii, burcad-badeedkii iyo boobkii lagu sameeyey badaha Soomaaliya.
Geba-gebadii munaasibaddu waxay kusoo idlaatay jawi wanaagsa iyo dar-daaran loo jeediyey madaxdii kasoo qayb gashay kaas oo ku qotomey siday uga shaqayn lahaayeen mideynta ummadda soomaaliyeed iyo siday u muujin lahaayeen isu-tanaasul si loo helo qarannimo soomaaliyeed oo cageheeda isku taagta.
no images were found
—DHAMMAAD—
XAFIISKAA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.