Wasiirkii hore ee waxbarashada dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji shirkii Kismaayo waxa lagu hishiiyey 4.5.[Dhagayso]
January 21, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Wasiirkii hore ee waxbarsahada dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda daljir ayaa xusay in shirkii ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay madxada Soomaaliyeed ku kulmeen in lagu hishiiyey nidaamnka 4.5 oo arrinkaas ay aqbaleen dowladda Puntland iyo Jubbaland.
Wasiirkii hore ee waxbarshada dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in hishiiska lagu gaaray magaalada Kismaayo uu khilaafsan yahay hishiisyadii lagu gaaray Garoowe 1 iyo Garoowe 2 oo Madaxda Federaalka iyo Puntland ay ku gaareen hishiis ku saabsan qaabka ay noqonayso doorashada 2016.
Wasiirkii hore ee waxbarsahada dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa xusay in ay muhiim tahay in shacabka Puntand iyo golayaasha dowladda Puntland loo soo banhigo hishiiska lagu gaaray Kismaayo oo madxada Puntland ay ka waantoobaan in ay qariyaan hishiisyo ay gaareen taas oo keeni karta kalsooni daro.
Hoos ka Dhagayso waraysiga uu Radio Daljir la yeeshay Wasiirkii hore ee waxbarsahada dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Cali-Xaji-Warsame.mp3]
M_M_Deeq
Halgan.net