Shirka Madasha Wadatashiga Soomaaliya oo Ka furmay magaalada Muqdisho.[Masawiro]
January 25, 2016 - Written by EditorMuqdisho:- Waxaa ka furmay magaalada Muqdisho shirka wada tashi ah oo looga arrinsanayo nooca doorasho ee dalka ka dhici kara, waxaana ku sugan magaalada Muqdisho dhamaan madaxada maamul gobaleedyada dalka. Shirka wadatashiga madaxada Soomaaliya ayaa waxaa furay madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo maanta duhurkii soo gaaray magaalada Muqdisho isaga oo ka soo qeyb galay shir looga hadlayo iskaashiga ka dhaxeeya Caalamka ee dhinaca la dagaalanka Argagixisada.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxda ay labada cisho ee soo socota kulamo ku yeelan doonaan si ay u ansaxiyaan isiguna raacaan go’aan wada jir ah oo ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta bisha 8aad 2016 ka. Beesha Caalamka ayaa waxaa ay caadis ku saareysaa madaxada soomaaliyeed in ay hal go,aan isku raacaan waxaana ay u badan tahay in aqalka hoose la isla qaato 4.5 halka aqalka sare lagu xuli doono deegaan .
Ilaa hada ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay madaxada sare ee Dowlada federaalka Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul gobaleedyada oo dhamaantood ku sugan magaalada Muqdisho.
no images were found
A/Cawale
Halgan.net