Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM oo qarax xoggan lagula eegtay Degmada Afgooye

June 16, 2012 - Written by

Afgooye:-Wararka naga soo gaaraya Degmnada Afgooye ayaa sheegay in gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa lala eegtay xarun ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ay ku leeyihiin Degmada Afgooye halka warar kalena ay sheegayaan in qaraxa uu ka dambeyay qof isku soo xiray walxaha qaraxa waxaana warar hordhac ay sheegayaan in uu jiro khasaaro gaaray ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM.

Qaraxa ayaa waxaa si weyn looga maqlay Saldhiga ku dhow Dugsiga Tadaamun halkaas oo ay degan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM waxaana wararkii ugu danbeeyey ee soo gaara Halgan.net ay sheegayaan in burbur xoogan iyo khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac uu gaaray ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM waxaana ay cirka u rideen rasaas badan waxaana ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala Dugsiga Tadaamun.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online