Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan oo gaaray Balli-dhidin iyo Unuun

June 13, 2012 - Written by

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Gobolka Bari  Cabdisamed Maxamed Gallan iyo masuuli yiin kale oo ka tirsan dowllada Puntlland ayaa saaka gaaray degmada Baar gaal, gaar ahaan degaanada Balli-dhidin iyo Unuun. Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa kor meerka ay ku tageen  degaanka Balli-dhidin iyo Unuun uu yahay bal in ay ogaadaan xaalada nololeed iyo mid caafimaad ee bulshada ku dhaqan degaanada hoos taga degmada Baargaal oo ku yaal bariga fog.

Guddoomiyaha Gobolka Bari C/samed Maxamed Gallan ayaa xusay in ay diyaar u yihiin in ay wax ka qabtaan dhibaatada nololeed iyo mid caafimaad ee ka jirta degaanada ku yaal bariga oo in badan aysan Puntlland wax la taaban karo aysan ka qaban balse ay hadda bilaabeen olole horumareed iyo mid waxqabad. Safar saaka uu ku tegay Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samed Maxamed Gallan iyo wafdigiisa ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey oo wafi ka socda masuuliyiinta Gobolka Bari ay ku tagaan degmada Baargaal , Balli-dhidin iyo Unuun.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online