Madaxweynaha DFKM Sh Shariif oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

June 4, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sh.Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta  dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee  caasimada dalka Soomaaliya , Madaxweyne DFKM Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa si diiran waxaa ugu soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde  ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga Ugaas Cabdi Wahaab Ugaas Khaliif  iyo xubno ka tirsan golaha WasiiradaDFKM.

Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa markii uu ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay qaar ka mid ah ciidanka DFKM  wuxuuna gacan qaaday qaar ka mid ah bulshada rayidka iyo dadweyne  ka qayb qaatay soo dhaweyntiisa.

Madaxweyne DFKM Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka soo qayb galay shir looga hadlayey arrimaha RoadMapka iyo xiliga kala guurka ee DFKM oo xiligeedu uu ku eg yahay 20 Augst oo ah xiliga ay beesha caalamka oo taageerta ama soo dhistay DFKM ay soo jeediyeen in la doorto dowllada cusub oo aan ahayn mid ku meel gaar ah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online