Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wasiirka iskaashiga caalamiga Mr.Ben Knapen.(Sawiro)

June 7, 2012 - Written by

Addis:-Madaxweynaha dowllada Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa uu kulan shalay la qaatay wasiirka iskaashiga caalamiga iyo arrimaha Yurub u qaabilsan Holland Mr.Ben Knapen oo maalintii shalay safar ku tegay magaalada Garoowe isagoo kula gaar ah la qaatay Madaxda Puntlland gaar ahaan ku simaha madaxweynaha Puntlland ahna madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen. Cabduisamad Cali Shire.

Wasiirka iskaashiga caalamiga iyo arrimaha Yurub u qaabilsan Holland Mr.Ben Knapen ayaa shalay waxaa uu saxaafada u sheegay in uu kulan kula qaadan doono magaalada Addis Abba  ee caasimad dalka Itoobiya Madaxweynaha Puntlland iyo wafdi wasiiro ah oo  ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir iyo wasiirka waxbarashada Puntlland Juxaa.

no images were found

Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo Wasiirka iskaashiga caalamiga iyo arrimaha Yurub u qaabilsan Holland Mr.Ben Knapen ayaa waxaa kulankooda ay diirada ku saareen siddii  Puntlland looga gacan siin lahaa arrimaha horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo in dowllada Puntlland laga caawiyo la dagaalanka burcadbadeedka  iyo dadka barakacayaasha ah ee ku nool deegaanada Puntlland.

Wafdiga wasiirka iskaashiga caalamiga iyo arrimaha Yurub u qaabilsan Holland Mr.Ben Knapen ayaa shalay markii uu soo gaaray magaalada Garoowe waxaa uu kormeer ku tegay xarumaha dowllada Puntland iyo xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah ee ka soo cararay colaada ka jirtay Koonfurta dalka Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online