Raisulwasaaraha DFKM C/weli Gaas oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga

June 4, 2012 - Written by

Istanbul:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kulan ballaaran la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga, gaar ahaana Ardayda wax ka barata Dugsiyada iyo Jaamacaddaha dalkan, waxa uuna xalay Jaaliyadda baray safiirka cusub ee dhowaantan dowladdu u magacowday dalkan Turkiga. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankiisa waxaa sidoo kale ku wehlinayay Safiirka cusub ee Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorsheynta, guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa. 

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga ee u ogolaaday waxbarasho lacag la’aan ah inay siiyaan ubadka Soomaalieyed ee mustaqbalka dhow noqon doona hogaanka dalka iyo dadka, waxa uuna ardayda ku baraarujiyay inay ka faa’iideystaan fursadan oo aaney beerdareyn, waxaana dalkan Turkiga wax ka barta si lacag la’aan ah arday tiradoodu gaareyso 1,500. 

Ardayda ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday inay u baahan yihiin in safaaradda Soomaaliyeed ay si dhow ula shaqeyso ardayda oo iyagu soo jeediyay baahiyo ku aadan fududeynta xiriirka Turkiga iyo ardayda, waxayna si gaar ah uga dalbadeen goob ay ku shaqeystaan ardaydu marka ay doonaan inay qortaan codsiyo. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa goobta ku baray ardadya safiirka cusub ee dowladda Soomaaliyee uga wakiilka noqon doona dalka Turki. 

no images were found

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo goobta ka hadlay ayaa u balan qaaday ardadya in wixii dhaliilo ahna la saxi doono, wixii baahiyo ah oo jirana ay dabooli doonto safaaradda intii karaankeeda ah. 

“Anigu waan cusbahay, waxaana idiin cadeynayaa inaan gacan idiinkaga baahanahay maadaama ay tihiin ardaydii Soomaaliyeed” ayuu yiri Safiirka oo xusay in jaaliyadda wixii dad ah ee ka xiran ay deg deg uga codsan doonaan dowladda Turkiga inay noo sii deyso, Soomaalidana looga baahan yahay inay dhowraan dhaqanka, Nabadgelyada iyo siyaasada dalka Turkiga. 

Sidoo kale, waxaa Istanbul ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyey Qunsulka cusub ee Turkiga Mudane Axmed Maxamed (Axmed Global), kaasoo isna dhowaantan ka howlgeli doona magaalada Istanbul. 

Ugu dambeyntiina ardadya ayaa su’aalo weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha kuwaasoo uu uga jawaabay, isaga oo sharaxaad dheerna ka siiyay muhiimada waxbarashadu u leedahay qofka, qoyska, iyo Qarankaba.

Garaad Salaad Hersi

Istanbul, Turkiya

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online