Wasiirka Amniga Puntlland iyo wafdi la socoda oo ku sugan degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan

June 9, 2012 - Written by

Dhahar:-Waxaa maalmihii la soo dhaafay gaaray magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Hay laan Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntlland oo uu hogaaminayo wasiirka amniga ee Puntlland Col.Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha Siciid Xassan Shire, Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Puntland Jen.Maxamed Siciid Jaqanaf, Taliye xigeen ka guud ee booliska Col.Muxiyadiin Axmed Muuse,  Taliyaha qaybta booliska ee gobolka bari G/lle,sare Cismaan Xassan Cuuke (Afdalow) iyo xubo kale oo ka tirsan wasaarada amniga.

Wafdiga wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa intii uusan gaarin magaalada Dhahar waxaa uu safar ku sii maray degaanka Afurur iyo Ceeldaahir iyagoo kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo dadka degaanka ka dibna waxaa ay uga sii gud been degmada Dhahar. Wasiirka ayaa xusay in dadka ku nool degaanka Afurur iyo Ceeldaahir ay yihiin dad jecel nabad waxaana uu sheegay in Puntlland ay taageeri doonto si nabadgelyada loo xoojiyo.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen degmada Dhahar waxaa soo dhaweeyey maamulka Gobolka Haylaan waxaan ay booqdeen xarumaha ciidanka iyo sidda Saldhigayada magaalada iyo xarunta Gobolka .
iyagoo kulan gaar ah la qaatay ciidanka .Wafdiga wasiirka amniga Khaliif Ciise ayaa maalinta beri ah waxaa uu kulan gaar ah la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo Isimada  iyo waxgaradka kale ee ku nool degmada Dhahar.

Wafdiga wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu mahad u jeediyey shacabka ku dhaqan degmada Dhahar iyo maamulka Gobol ka sidda diiran ee loogu soo dhaweeyey magaalada waxaan uu shacabka Gobolka Haylaan ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada wixii dhib ah oo dhexmara beelahana lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online