Dhageyso Wareysigii Abuu Mansuur Al-Amriki oo ka cabanaya Amiirka Al-Shabaab (Cod)

May 12, 2013 - Written by Editor

abuMuqdisho:-Waxaa mar kale lagu faafiyey mareegta AlJahad oo taageerta  ururka Al-Qaacida wareysi dheer oo la sheegay in uu bixiyey Cumar xamaami oo loo yaqaan Abu Mansuur Al-Amriki oo baryahaan cabashadiisu ay ahayd mid joogta ah.

Wareysiga ayaa waxaa lagu faafiyey shabakadda Aljahad.com waxaana Abu mansuur Al-Amriki uga waramay arimo badan oo xasaasi ah oo inta badan ka qarsanaa dhalinta saxwada Islaamiga ee Soomaaliyeed.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa waxaa uu wareysigiisa ku bilaabay dulmiga Amiirka Al-Shabaab isaga oo ku tilmaamay mid kaligiis talis ah oo aan cidna ka qaadan wax talo ah.

Waxaa ka mid ahaa hadaladiisa ” Muslimku waa kan uu amiirku Mulinka u yaqaano, hadduu doono Gaal ha ahaadee, Murtadkuna waa kan uu isagu sidaas u haysto xitaa Islaannimadiisu ha caddaatee”

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Amiirka Al-Shabaab in uu yahay mid  sharci ah iyo mid manhaji ah  wuxuuna ku eedeeyey Amiirka Al-Shabaab in Ereyga Murtad uu ku cayaaro amiirka xarakada, dana uusan ka lahayn  dhiiga muslinka ka dib markii uu amaray qaraxyo dad badan oo Muslim ah oo aan waxba galabsan ku dhinteen.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa waxaa kale oo uu ka waramay dilka iyo khaarajinta rag badan oo ka tirsanaa Al-Qacida oo lagu dilay Soomaaliya sida Fasuul Cabdalla, Nabhaan iyo rag kale oo badan wuxuuna sheegay in dad badan ay ku tuhunsan yihiin in amiirka Al-Shabaab ka danbeeyo dilka Fasuul Cabdalla balse uusan isaga cidna farta ku fiiqeyn .

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa ku celiyey in Muhaajiriinta ku sugan dalka Soomaaliya ay ku heystaan dhibaato badan qeylo dhaana ay u direen dhowr mar hogaanka Al-Qacida Ayman Dawaahiri.

Mar wax laga weydiiyey meesha uu ku danbeeyey Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu sheegay in si xun loola dhaqmay laga xiray in uu hadlo  wuxuuna sheegay in uu ogyahay in Sheekh Xasan haatan dhigo Qu,aanka.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sidoo kale waxaa uu ka waramay xilka uu ka hayey Ururka Al-Shabaab iyo sida golihii Shuurada ee uu madaxa ka ahaa uu u kala diray Amiirka Al-Shabaab.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa waxaa kale oo uu ku eedeeyey Al-Shabaab in sidii la rabay u qeybin Qanaaimta,in dadka ay xoolada ka dhacaan si xoog ah ,in ay Zakaatka dheeraad ah ka qaadaan iyaga oo leh Maslaxada Jihaadka baa loo qaadayaa waxaa kale oo uu ku eedeeyey in ay Mukhaadaraadka sida Qaadka ay meelaha qaar Canshuur ka qaadaan .

Wareysiga Abu Mansuur Al-Amriki oo mid aad u dheer ah ayaa waxaa kale oo la weydiiyey xaalada haatan uu ku sugan yahay ,in cid muhaajiriin ah ay u imankarto Jihaad Soomaaliya ,wax dib dhigay guulihii Al-Shabaab,qaar ka mid muhaajiriinta in ay la socdaan Amiirka Al-Shabaab,eedeyn ay shabaab u jeedsheen Al-Amriki oo ah in uu jecal yahay in uu is muujiyo , sababha uu u aadi waayey hadii xaalka ku xun yahay wadamada Yemen ,Afgaanistaan iyo Shiishaan ,mustaqbalka dagaalada Al-Shabaab ka wadaan Soomaaliya ,xal in loo heli karo khilaafka ka dhex aloosan Al-Shabaab ,Fatwo ay dhawaan soo saareen rag ka mid ah culumada Al-Shabaab iyo arimo kale oo badan .

Halkann ka Akhriso wareysiga shabakadda Aljahad.com ay la yeesheen Cumar Xamaami Abu Mansuur Al-Amriki.  ama Halkan

Hoos Ka Dhageyso wareysigii Abu Mansuur Al-Amriki oo cod ah.

[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/6lg6871rz9/aleqa.mp3″] Ama Halkan MP3

C/Casiis Maxamed
Halgan.net
Aljahad.com

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online