Beesha Xawaadle oo sheegtay in ay kalsoonidii kala noqday DFS (Daawo)

May 29, 2013 - Written by Editor

hiiraanHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta kulan ay isigu yimaadeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka siyaasiyiinta, aqoonyahannada, saraakiisha ciidamada ka soo jeeda beesha Xawaadle kuwaas oo kulan ka dib kalsoonidii kala noqday dowlada Federaalka Soomaaliya ee haatan uu Madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud .

Kualnak oo ka dhacay maanta Magaalada Baladweyne ayaa waxaa eedeyn gaar ah loo soo jeediyey wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka DFS C/kariiin Xusseen Guuleed waxaana waxgaradka beesha xawaadle ay ku eedeysay in uu diiday talooyin ay soo jeediyeen.

Kulanka Marka uu soo dhamaaday ayaa waxaa ay Beesha Xawaadle waxay ka soo saaratay Warsaxaafadeed kaas oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Halgan.net waxaana uu u qornaa sidan.

1. In habka iyo qaab dhismeedka loo soo magacaabay maamulka gobollka Hiiraan uu yahay mid ku dhisan cadaalad darro, colaad abuur iyo kala fogaasho ku yimid dowladda federaalka iyo beesha Xawaadle, tusaalle ahaan in beesha laga siiyay 2 xubnood 18 xubnood oo loo soo magacaabay maamulka gobollka Hiiraan.

2. In ciidamada beesha oo u soo taaagnaa mudo dheer difaaca gobollka Hiiraan iyo ka xoreynta kooxaha nabad-diidka ah oo in badan oo ka mid ah naftooda ku waayeen, halka tiro kalana ay ku cuuryaameen, ilaa waqtiganna u taagan in ay ka shaqeeyaan amniga iyo nabad-galyada gobollka, iyaga oo gacan siinaya ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM, aysan ka hellin dowladda xuquuqdii ay ku laheyd, iyadoo ciidamada gobollada kale ee dalka dhowr jeer loo qeybiyay mishaar.

3. In mas’uuliyiinta ka socday dowladda federaalka Soomaaliya ee dhowr jeer oo hore soo booqatay magaalada Baladweyne odayaasha iyo aqoonyahannada beesha siiyeen talooyin ku aadan qaab dhismeedka maamulka gobolka, laakiin mas’uuliyiinta sare ee dowladda ku gacan seyreen arintaa iyada ah, taasoo muujineysa in aysan wax dan ah ka laheyn gobollka Hiiraan.

Sidaa daraadeed markii aan aragnay tacadiyada dowladda federaalka gaar ahaan wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka uu ka wado gobollka Hiiraan, waxaan go’aansanay qodobada soo socda.

1. In Beesha Xawaadlle laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 29/5/2013 kalsoonidii kala noqtay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Max’uud.

2. Beesha Xawaalle waxay fidisay gogol lagu dhisayo maamul gobol oo cadaalad ku dhisan, ayna ka soo qeyb-gallayaan dhamaan beellaha ku dhaqan gobolka.

3. In mudanayaasha ama xildhibaannada baarlamaanka ee ka soo jeeda beesha mudo 7-10 cisho ah ku soo gallaan magaalada Baladweyne, si looga arinsado maamul cusub loo dhisayo gobollka Hiiraan.

4. In laga bilaabo maanta ciidamada la dayacay ee ka tirsanaa dowladda iyo hubkoodaba shaqo ku laheyn dowladda, wixii xiligan ka danbeeyana yihiin ciidamo beelleed si toos ah u hoos imanaya beesha oo daryeelkooda iyo mishaar siintoodaba ku fillan.

5. In dhaqaallaha laga qaado dhamaan deegaannada ay degan tahay beesha lagu soo wareejin doono guddi dhaqaalle oo arintaa loo saaray, halkii markii hore ay ku xaroon jirtay Qasnada maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan, si loogu daryeello ciidamada.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay waxgarad iyo nabadoono caan ka ah gobalka Hiiraan waxaana ka mid ah waxgaradkii ka hadlay kulanka Nabadoon Max’ed Cabdi Raaxooy ,Nabaddoon Faarax Cabdi Waare waxayna sheegeen in talooyin badan ay u soo jeediyeen madaxada DFS gaar ahaan wasiirka arimaha gudaha balse ay dhagaha ka fureysteen .

Hoos Ka Daawo Baaqa Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baladweyne

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online