Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya oo gaaray dalka Japan

May 30, 2013 - Written by Editor

madaxweyne xasanJaban:-Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Tokyo ee xarunta  dalka Japan waxaana halkaas ku soo dhaweeyey saraakiil ka socda wasaarada arimaha dibada ee dalka Jaban. Madaxwey naha  DFS Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan shir looga hadlayo arrimaha Afrika kaas oo maalinta birito ah ka furmaya magaalada Yokohama ee dalkan Japan.

Shirka ka furmaya magaalada Yokohama ee dalkan Japan ayaa waxaa lagu qaadaa dhigi doonaa horumarinta Afrika waana shir sanad walba dhaca magaalada Yokohama ee dalkan Japan waxaana shirka uu si gaar ah diirada u saari doonaa xaalada dalka Soomaaliya iyo siddii loo taageeri lahaa DFS.

Magaalada Yokohama ee dalkan Japan ayaa ilaa haatan waxaa gaaray madax kala duwan oo ka socta dalalaka Afrika waxaana shirka gudoomin doona  Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shirkan ayaa waxaa uu daba socdaa shirkii dhawaan ka dhacay magaalada London kaas oo lagu gorfeynayey arrimaha Soomaaliya .

A/Cawale

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online