Cabdikarim Xuseen Guuleed oo loo doortay Madaxweynaha Gal-mudug

July 4, 2015 - Written by Editor

galmudugCadaado:-Waxaa goor dhow soo gabagaboobay doorashadii madaxtinimada Maamul ka Galmudug ee maanta ka dhaceysay degmada Cadaado, iyadoo madaxweyne loo doortay Cabdikarim Xuseen Guuleed , Wasiirkii hore ee Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu helay 49 cod halka musharaxii Axmed Macalin Fiqi oo la tartamayey uu hellay 40 cod sidaas ayuuna madaxweynaha maamulka cusub ee Galmudug ku noqday Cabdikarim Xuseen Guuleed.

Doorashada Madaxweynanimada Gal-Mudug ayaa waxaa isku soo taagay ilaa 5 musharax oo kala ahaa:

1. Axmed Macalin Fiqi

2. Axmed Cabdisalaan

3. C/kariin Xuseen Guuleed

4. Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid

5. Xasan Maxamed Nuur Qalaad.

6. Maxamed Cilmi Afrax.

Wareegii koowaad ee doorashada Madaxweynanimada Gal-Mudug ayaa waxaa musharaxiintu ay kala heleen:-

1. Axmed Macalin Fiqi 29 cod

2. Axmed Cabdisalaan 12 cod

3. C/kariin Xuseen Guuleed 29 cod

4. Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid 6 cod

5. Xasan Maxamed Nuur Qalaad 3 cod

6. Maxamed Cilmi Afrax 10 cod

Wareegga 2aad ee doorashada madaxweynanmada Gal-Mudug waxaa u soo gudbay ilaa 3 musharax oo kala ah:-

1. Axmed Macalin Fiqi 29 cod

2. C/kariin Xuseen Guuleed 29 cod

3. Axmed Cabdisalaan 12 cod.
Gudiga doorashada ee Madaxweynanimada Gal-Mudug ayaa waxaa ay go’aamiyeen in murashaxa kasta oo doonayay inuu ku guuleysto doorashada laga doonayo in uu helo cod hal dheeri ah.

Dadka siyaasada Soomaaliya Odorasa ayaa waxaa ay sii sheegeen in C/kariin Xuseen Guuleed uu noqon doono Madaxweynaha maamulka Gobolad dhexe ee Gal-Mudug maadaama ay aad iskugu dhaw yihiin Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online