Maanso Dib u Joog Waaryaa W/T Ismaaciil Maxamed Cali

July 26, 2015 - Written by Editor

ismailFinland:-waa maanso ka hadlaysa xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo, isjiid-jiidka jira, horena u jiri jiray, runtii waana mid quus iyo rajo xumo ku beeri karta dadka shacabka ah, balse qofka muslimka ahi marna raxmadda ilaahay kama quusto, xikmad horena waxay tidhi waa la kufaa waana la kacaa, haddaba tixdan aan u magac bixiyay DIB U JOOGA WAARYAA ! waxay sawir ka bixinaysaa siyaasiga maanta jooga waaxanay tidhi

waa gabay dardaarana
digniin weeye maansadu
waa dabar siyaasiga
dibso lagu baraayee
dib u jooga waaryaa !

xisbiyada dalayseen
dadku inu ku wada jiro
amar dawlo maahee
dib u joogaa waaryaa !

dimuqraadinimadiyo
distoorkaa binayseen
diin ilaahay maahee
dib u jooga waaryaa !

dalka iyo illayn waa
wada leennay degelkee
dib u jooga waaryaa !

dirir iyo colaad iyo
dagaal looma baahnee
dib u jooga waaryaa !

danbi iyo xasarad iyo
dulmi looma baahnee
dib u jooga waaryaa !

maanso duuga weeyoo
diiwaanka lagu qoray
dugsi ma leh qabyaaladi
waxay dumiso mooyee
dib u jooga waaryaa !

idinkoo dan gaara leh
ha isku kaaya dirinee
dib u jooga waaryaa !

iiga soo deg booskiyo
daartaan ku jirayaa
illayn nama dawayswee
dib u jooga waaryaa !

samir iyo dadnimo iyo
dulqaad baanu leenaye
dib u jooga waaryaa !

doqonniimo aadiyo
dulli qaadanmaynee
dib u jooga waaryaa !

hadaan nahay dadweynaha
dawlad iyo mucaaradad
dambaskaa afuufteen
diidnaybaanu leenaye
dib u jooga waaryaa !

culimaa’u diinkiyo
hadaan nahay ducaadii
dumbuqaa cabbayseen
diidnaybaanu leenaye
dib u jooga waaryaa !

duubka iyo dhaqankiyo
hadaan nahay duqaydii
daacadnimo ku dheerayd
dogobkaa shidaysaan
diidnaybaanu leenaye
dib u jooga waaryaa !

dumarkiyo caruurtiyo
da’yartiyo barbaartiyo
hadaan nahay durriyadii
digadaa hulaaqdeen
diidnaybaanu leenaye
dib u jooga waaryaa !

bal inaa damiintiin
markay dararto maandeeq
caanaha ka duugtaan
kolka doobi xoorliyo
danbar aad ka maashaan
labadiina daan iyo
dibnihiina oo qudha
maxaa ugu dudumisaan
danyartana u maagtaan
dib u jooga waaryaa !

bal inaa damiintiin
marka ay dallagantee
dihin aanay noqonee
dalawadu galooftee
danabkii dhaqaayiyo
ninka ragi u dumo ee
daabka iyo gudintiyo
derintaba u qaatee
degel adag u oodee
dooyo uga xero dhigo
maxaa uga dawaamtaan
ee uga dayootaan
dib u jooga waaryaa !

bal inaa damiintiin
marka ay dibbootee
dibjirtee hallawdee
bahalkiyo dugaagiyo
dacawada u halistahay
maxaa uga dibbaysaan
ee uga daleeshaan
dib u jooga waaryaa !

bal inaa damiintiin
marka cadaw didsado ee
uu moora duugee
dabac yaa lahaayeey
kor u duusho qayladu
halkaa diirilaydeen
ee ka doodi laydeen
kuna doorsan laydeen
maxaa uga dareertaan
nafta ugaga dookhdaan
dib u jooga waaryaa !

daa’imow allahayow
diintiyo sharciga iyo
dalka iyo dadweynaha
mid daliil ku hagi kara
dooroo u talin kara
danahooda hanan kara
dulqaadloo wax hagi kara
damiirloo wax qaban kara
deeqsiyoo wax bixin kara
dayroo wax celin kara
daalayoo ma haynoo
doorashooyin badanbaa
dalka nooga dhacayoo
wax ma dooran karanee
noo door allahayow

W/T Ismaaciil Maxamed-cali
Helsinki Finland
ismaaciil6666@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online