Sh C/qaadir Muumin oo Al-shabaab ku eedeeyey dilka xubno ku biiray Daacish kana hadlay sababta uu ugu biiray Daacish.[Dhagayso]

December 12, 2015 - Written by Editor

muuminBoosaaso:-Waxaa lagu faafiyey Mareegaha Taageera kooxda Daacish iyo baraha bulshada ay ku sheekeystaan gaar ahaan Twitterka cod uu leeyahay mid ka mid ah wadaadii Soomaalida ee ka mid ahaa Ururka Al-shabaab ee saldhiga ku lahaa Buuraha Golis laguna magacaabo C/qaadir Muumin dhawaanse ku biiray kooxda Daacish.

Wadaadkaan C/qaadir Muumin dhawaanse ku biiray kooxda Daacish ayaa fariintiisaan codka ah waxaa uu aad u difaacayaa jiritaanka Khilaafada uu sheegtay in uu hogaamiyo Abu Bakar Baqdaadi isagoo sheegay in ay meesha ka baxayso kooxo kooxaysiga waxaan uu ku dooday in aysan sax ahayn kuwa ku doodaya in aan Abubakar Baqdaadi aysan dooran Hogaanka lagu kalsoon yahay climigood diineed ”اهل الحل والعقد ”

Wadaadkaan C/qaadir Muumin ayaa sheegay in xubnaha ku biiray Daacish ee horay uga tirsanaa ururka Al-shabaab in la laayo ay tahay xaaraam sababta oo ah buu yiri xaq bay ku taagan yihiin oo Khalifkii muslimiinta ayey la galeen balan kuwa ka soo horjeedana waa kuwo lunsan oo ah Dhaaquud ah.

Dhinac kale C/qaadir Muumin ayaa waxaa uu xusay in masuulka ka tirsan Al-shabaab ee ku amraya dhalinyarada in ay dilaan xubnaha ku biiray Daacish uu yahay qof ku dhacay danbi weyn oo ah in uu banaystay dhiiga muslinka ah sidaas darteena la wiidiin doono maalinta Qiyaamaha isagoo ku celceliyey in ay arrinaas tahay Xaaraam.

Sidoo kale C/qaadir Muumin ayaa waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin in dhalinyarada lagu soo howl galiyey in qof kasta oo safa Muslimiinta burburinaya ha la dilo ay tahay wax lagu khaldayo isagoo xusay in kooxaha sidda Al-Shabaab oo kale aysan ahayn Khilaafadii sidaas darteedna ay xaq u lahayn in ay dadka dilaan balse ay iyaga tahay in la dilo maadaama ay khilaafeen wuxuu ku sheegay Khilaafada Muslimiinta ee uu hogaamiyo Abubakar Al-Baqdaadi ayna yihiin Buqaat.

wadaadka C/qaadir Muumin ayaa waxaa uu sheegay in Sheydaan uu hogaanka Al-shabaab u horseeday leynta kooxda Daacish wuxuuna ugu baaqay in ay ku biiraan kooxda Daacish wuxuuna ku goodiyey in waxa uu ku sheegay khilaafada ay ku faafi doonto Soomaaliya.

Wadaadka C/qaadir Muumin ayaa waxaa uu baaq gaar ah u jeediyey askarta kooxda Al-shabaab wuxuuna ugu baaqay in aysan adeecin madaxdooda wuxuuna ugu baaqay in ay ka fogaadaan dulmigooda ayna badin sawaadkooda. C/qaadir Muumin ayaa sidoo kale canaan u soo jeediyey culimada Al-shabaab isaga oo ugu baaqay in ay hadlaan dhiiga Al-shabaab ay daadinayso mar walba oo ay iska daayaan cabsida oo ay ka hadlaan munkarka ,

Ugu danbayntii ayaa C/qaadir Muumin waxaa uu sheegay in uu ugu naseexaynayo Hogaanka Al-shabaab in ay ka fogaadaan dhiiga Muslimiinta oo uu ula jeedo xubnaha ku biiray Daacish isagoo xusay in arrinaas ay tahay danbi weyn waa haddii ay ka qaadanayaa waano waxaase uu xusay in haddii ay sii wadaan dagaalka iyo dilka ay kula jiraan Xubnaha Daacish aysan waxba u tarayn Khilaafaduna ay ku faafi doonto Soomaaliya kuwa ay ku amrayaan in ay la dagaalaan ay iyaga dib ula dagaali doonaan waa sidda uu u dhigay hadalkiisee.

Hoos ka Dhagayso نص كلمة الشيخ عبد القادر مؤمن يشرح فيها سبب مبايعته لدولة الخلافة ويرد على الحركة

[audio: https://www.halgan.net/Mp3/Muumin.mp3]

ama Halkaan Mp3

Hoos ka Dhagayso نص كلمة الشيخ عبد القادر مؤمن يشرح فيها سبب مبايعته لدولة الخلافة ويرد على الحركة


Usbuucyadii la soo dhaafay taageerayaasha kooxda Daacish waxaa ay faafiyeen muuqaal ay ku sheegteen in xubno ka mid ah ururka Al-shabaab ay ku soo biireen kooxda Daacish balse xubnahaas ayaa la sheegayaa in hogaankoodii qaar ka mid ah ay khaarajiyeen Amniyaadka Al-shabaaba , xubnaha la dilay oo uu Sh C/qaadir Muumin uu ka hadlayo ayaa waxaa ka mid ah:-
1. Xuseen Cabdi Geedi

2. Maxamed Makawi

3. Abdal Basiid Xaaji Maxamed

Halkaan ka eeg Ururka Daacish oo baahiyey muuqaalo ay ku sheegteen in Shabaab hor leh ku biireen

Waxaa la wada ogyahay qof walba oo diinta alle wax ka garanaya ama aqoon u leh kooxha ku aafeysan fikirka khawaarijta in uusan la yaabeyn qaylo dhaanta C/qaadir Muumin iyo nusuusta uu saarayo meel aan booskeeda ahayn waana dhaqan lagu yaqaaan kooxaha wax gaalaysiiya in ay is gaaleysiinyaan ,islaayaan ka dibna qolo walba dhahdo dhiiga muslinka baa la daadinayaa.

C/qaadir Muumin soo maahayn kii cod dheer ku taageeri jiray weerarada ay qaadaan ciidanka Al-Shabaab oo marar badan galaaftay dad rayid ah oo Muslimiin ah oo waxba galabsan ,C/qaadir Muumin sow maaha wadaadkii gaaleysiiyey culimad Soomaaliyeed ee lahaa waa murtadiin, sow maahan kii xitaa gaaleysiinayey wariyaasha iyo Idaacaddaha  haddaba akhristow maxay tahay dhiiga Muslinka uu ka hadlayo C/qaadir Muumin ? waa su’aal u baahan in ay is wiidiiyaan Akhristayaasha iyo qof walba oo caqli u saaxiib ah.

Afhayeenka Al-shabaab Sh.Cali Raag ayaa maalmo ka hor ka digay in gudaha Al-shabaab laga dhex abuuro khilaaf isagoona ku goodiyey in hogaanka ururka Al-shabaab ay taalaabo ka qaadi doona cid walba oo ka shaqaysa khilaaf iyo bur burka ururka dhexdiisa ah ama xagal daacisa dagaalka ay kula jiraan ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hogaanka ururka Al-shabaab oo ku aadan Muuqaalada iyo fariimaha ururka Daacish uu ugu baaqayo Al-shabaab in ay ku soo biiraan Daacish kana tanaasulaan balanta ay kula jiraan ururka Al-Qaacida

C/casiis Mohamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online