Nin walba siddo la qabto wuu leeyahay Sheekh Shible Vs Sheekh Xasaan(Dhageyso)
June 15, 2012 - Written by
Nairobi:-Waxaa maanta halkaan idiinku soo gudbinayaa maqaal aan ku eegayo in culimada dalka Soomaaliyeed muxaadaraad ama duruus ay jeediyeen laga soo jar jaro cod si markaas loogu adeegsado in culimada Soomaaliyeed sharaftooda iyo diinta ay xanbaarsan yihiin loogu xadgudbo haddaba waa maxay u jeedadda ka danbaysa arrinkaas yeyse dani ugu jirtaa.?
Dad badan oo Soomaali ah gaar ahaan dhalinyarada la soo hanaqaaday baraaruga saxwada dalka Soomaaliya ayaa in badan oo ka mid ah waxaa ay la yaaban yihiin culumadii ay ku yaqaan kheyr ka iyo fidinta dacwada Soomaaliya oo qaar ka mid ah baraha Internetka la soo geli nayo coddad laga soo gooyey duruus ama muxaadaraad ay jeediyeen mar hore ka dibna loo tuso dadka in ay yihiin dad cadaw ku ah diinta Islaam ka ahna kuwa la shaqeeya dalalka ay ciidamadoodu ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.
U jeedadad ka danbaysa in Culimada Somaaliyeed in la ceebeeyo laguna diro Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa sal u ah dhowr arrimood.
1- Nacayb loo qabo cilmiga diin ay xanbaarsan yihiin.
2- Nacayb xasdi loo qabo Fadliga ay dheer yihiin dadyowga kale.
3- Naceyb Urur diini ah oo ay ka tirsan yihiin.
4- U adeegid Hay.addo neceb wax culimadu xanbaarsan yihiin oo ah diinta si dadka islaamka ah gudaha looga dumiyo.
5- In culimada dhalinyarta ama shacabka wax ka barta laga kala cayriyo ama ugu yaraan lagaliyo tashwiish ah culimadii ,iyo ducaadii soomaaliyeed iyagaaba dagaalsan ee yaa wax laga dhagaystaa arrinkaas oo si sahlan ay uga faa’iidaysanayaan Hay,addaha shaqada geliyey kuwa culimada caaya ama ceebeeya ama gafafkooda raacraaca una furtay baraha internetka.
Culumada sida joogtada ah loogu beenabuurto ayaa in badan waxaa alle fadligiis ah in lagu yaqaan diin iyo wanaag iyo dhowrsanaan taas oo u saamixi weyday kuwa culimada cadowga la’ ah in la dhagaysto.
Dad dhalinyaro u badan waxaa isaga qaldan Ijtihaadka u gaarka ah Caalimka wuxuuna mararka qaarkood kala saari waayaan Mas’alada la isku hayo talow ma tahay mid ugub ah ama Nawaasil ah ama waa mid qadiim ah taas oo u baahan kala saarideeda cilmi iyo aqoon.
Dacwada salafiga ee Soomaaliya ka hana qaaday ayaa waxaa lagu yaqaanay kala danbeyn ixtiraamka culimada iyo u hiilinta mar walba xaqa iyada oo aan cidna lagu xad gudbin lana gaaleysiin taas oo qof walba oo goob joog ka ahaa saxwada Islaamka ee Soomaaliya uu ka marqaati kacayo .
Dacwada Salafiga ee Soomaaliya waxay soo saaratay alle fadligiis dhalinyaro walaalo ah oo is jecal kuna danbeeya culumadooda iyada oo ay gaareen in kutubta qaar ay ka dhageysan jireen culumo aan ahayn tayaarka salafiga ah iyaga ka qaadan jiray wax nusuusta waafaqsan wax kalana ka tagi jiray.
Hadaan u soo dhaadhaco gunaanadka hadalkeyga waxaan isha ku dhuftay baryahaan muxaadarooyin ay jeediyeen labada Sheekh ee kala ah Sheekh Maxamuud Shible iyo Sheekh Xasaan Xusen kuwaas oo Sheekh walba inta ijtihaadkiisa iyo cilmigiisa uu la gaaro umada u jeedi nayey balse waxaan arkay in Shabakadaha qaar ay ka dhigeen in labada wadaad ay iyagu is haayaan.
Shabakadaha qaar ayaa gaarsiiyey in Sheekh Shible in uu gaal yahay ama uu gaalada u shaqeeyo iyo murtadinta oo haddii aad raadraac ku sameyso erayada ay isticmaalayaan aadba u naxayso diintooda halka ay Sheekh Xasaan ka dhigeen caalim aan laga daba hadli karin taas oo ah rayiga ay qabaan iyagu.
Ujeedkeyga maaha in aan kala xigsado 2-da Sheekh balse u jeedadad maqaalkeygu ayaa waxaa uu yahay bal in aan akhristayaasha faraha badan ee daalacda Halgan.net aan tusno tusaale yar oo kooban oo ku saabsan codadka culimada ee la soo jarjaro ay aad u sahlan tahay in wadaad walba laga soo hellayo muxaadaraadkii ama duruustii uu galay mawaaqif iyo ijtihaadaad iska soo horjeeda bal maanta aan eegno Sh Shible iyo Sh Xasaan Xuseen oo ka hadlaya gelitaanka Baarlamaanka dowllad gaal ah sida Kenya.
Hoos ka Dhagayso Qowlkii Koowaad uu Shiikh Maxamuud Shible ku baneeyey in laga qayb qaadan karo xilna laga qaban karo dowlo Gaalada oo looga awood badan yahay Muslimiinta
Masa,alada ay 2-da Sheekh uu nin walba wadaantiisa ku ritay waxay ahay dad muslin ah oo laga awood badan yahay ma ka qeyb gali karaan Baarlamaan dowlo gaalo ah oo ay ku hoos nool yihiin tusaale ahaan dalka Kenya oo 2-da Sheekhba ay hadda ku nool yihiin.
Sheekh Maxamuud Shible waxaan ku soo bandhignay Halgan.net isagoo ka hadlay arrinka ku saabsan in Baarlamaan dowllad gaalo ah la geli karo si loo yareeyo sharta gaalada isaga oo daliilsaday qisadii Nabi Yuusuf halka Sheekh Xasaan Xusen uu leeyahay intaan ka arkay ilaa 2-bo qowl oo ah.
1-Qowlka hore waa ogol yahay Sheekh Xasaan Xuseen sidda aad ka dhageysan doontid mar su,aal la weydiiyey Shiikh Xassan Xuseen xili uu ka baxay kitaabka Adabul Mufradka ah ayaa waxaa uu shiikhu la wiidiiyey in laga qayb qaadan karo doorshada dalka Kenya Shiikha Xassaan Xuseen ayaa ku jawaabay ” waa in aad doortaan Nimankaan muslimiinta ah ee dowllada noogu jira ama xilibaanda waana arrin aad ku qasban tihiin inaad u codaysaan waad ku qasban tihiin haddii kale dalkaan iskaga guura la soco yeyse ku dhaafin Shiikha Xassaan Xuseen Qisada Nebi Yuusuf Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee buu daliishanayaa inta kale aan idiin kala baxo akhristaha iyo Sh Xassan Xuseen.
Hoos ka Dhagayso Qowlkii Koowaad uu Shiikh Xassaan Xuseen ku baneeyey in laga qayb qaadan karo doorshooyinka dalka Kenya iyadoo la dooranayo Tartamayaasha Muslimiinta ah wuxuuna daliishanayaa Qisadii nabi Yuusuf nabadgalyo korkiisa ha haatee
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/xasaan_doorasho1.mp3]
2- Qowlka labaad ee Sheekh Xasaan Xuseen waaba uu diidayaa in laga qayb qaato doorashooyinka dalka Kenya ama loo kala codeeyey siyaasiyiinta u tartamay ka mid noqoshada dowlada Kenya oo ay ku jiraan Soomaali Shiikha ayaa si cad uga digaya in aan la kala taageero tartamayaasha isagoo qofkii ka qayb gala doorashada uu shiikhu leeyahay qofka wax doorta ayaa Shiikhu ku sheegayaa qof Ilaah sharci dajiy ah doortay qofka codka bixiyey waxaa la isku haystaa buu yiri Shiikhu ma muslin baa mise gaal yeyse ku dhaafin Shiikha Qisada Yuusuf buu daliishanayaa haddana aan idiin kala baxo akhristaha iyo Sh Xassan Xuseen.
Hoos ka Dhagayso Qowlkii Labaad uu Shiikh Xassaan Xuseen ku diiday in laga qayb qaato doorshooyinka dalka Kenya isagoo si adag uga digaya.
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/ShXasan_2.mp3]U jeedada Maqaalkaan ayaa waxaa uga danleenahay bal in aan tusino Umada Soomaaliyeed ee lagu jahwareeriyey in culimada Soomaali yeed intii codadkooda la soo gooyo haddana si fool xun loo aflagaadeeyo bal akhristow sow ma aragtid tusaalaha gaaban ee maanta ay bah da Halgan.net ay tusaale ugu soo qaadatay in labo qowl oo uu leeyahay Sh Xassan Xuseen iyo qol uu leeyahay Sheekh Maxamuud Shible oo ku saab san arinta ayaantaan socotay oo ah qof muslin ah ma geli karaa Baarlamaan dowllada gaalo ah qofkii doortaa xukunkiisu waa maxay ?? wax laga hadlayo waa dowllad gaalo ah oo dad muslin ah oo Aqaliya ku ah ay ku nool yihiin tabar badan aan hayn marka Mas’lladu waxaa ay u quduucaysaa ama laga eegayaa Baabka loo yaqaan Maalix iyo Mafaasid.
Halkan ka Dhageyso Sheekh Shible oo jimcihii labaad sii waday Qisadii Nabi Yuusuf NNKH
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/Khudba_Shible2.mp3]Haddaba Akhristow waxaa rabaa oo kaliya in aan idin tuso in Shiikh walba duruusta iyo muxaadaraadka uu akhriyey laga heli karo Aqwaal iska soo horjeeda ama Ijtihaadaad kale duwan taas oo ay ugu wacan tahay hadba waqtiga iyo marxalada uu shiikhu ku sugan yahay ama waxaa laga yaabaa in cilmi ka qarsoonaa uu u soo kordho.
Ugu danbayntii waxaa uga digaynaa kuwa raba in ay isku soo caan bixiyaan wax ka sheega culimada Soomaaliyeed ee waaweyn ama ducaada kheyr lagu yaqaan in ay ku hungoobi doonaa inta aduunka la joogo aakhirana ay xisaab ka danbeyso; hadafka iyo u jeedadad aan ka leeyahay maqaalkaan waxaa weeye in umadu aragto in Shiikh walaba haddii duruustiisii dib loo raaco la heli karo hadalo ama fatwooyin ka duwan kuwa maanta uu u fatwoonayo dhalinyara iyo ardayda isaga ku xiran mana ah mid hal shiikh ku gaar ah.
Hadaba Waxaan kula dardaarmayaa raga leh Shabakaddaha Internetka ee caadaystay in ay soo kala gooyaan hadal Sheekh yiri ama ku been abuuranaya ama dani xun iyo gaaleysiin gaarsiinaya in ay alle ka baqaan oo ay iska daayaan culumada ay aflagaadeynayaa oo wixii masalo diini ah ee khaldan ay u daayaan culimada Soomaaliyeed.
Maqaalada xiga ayaa haddii Alle noo sahlo waxaa ku qaadaa dhigi doonaa Masaa’il kale duwan oo culimadii Salafka ahaa ay ka lahaayeen qowl hore iyo mid danbe Allaha towfiiqda na waafajiyo.
Cabdi Casiis Maxamed
Halgaan.net

.gif)

