Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo weerar qorsheysan ku dilay Col. Afrax Cali Afrax
June 22, 2012 - Written byAfgooye:-Wararka saaka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhigga Booliska ee deegaanka Ceelaha Biyaha,waxaana dagaalka lagu dilay Col. Afrax Cali Afrax oo ahaa madaxii amniga ee Deegaanka Ceelasha Biyaha .
Dagaalka ayaa waxaa uu socday in mudo ah waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Sidi ayaa qirtay in lagu dilay dagaal Col. Afrax Cali Afrax wuxuuna ku faanay in ay guulo ka gaareen dagaalka maxaabiis noolna ay qabteen Al-Shabaab.
Dagaalka saaka ka dhacay Ceelasha Biyaha ayaa saameyn waxaa uu ku yeeshay isku socodka waddada isku xirta Muqdisho Afgooye iyada oo uu hakad galay isku socta gawaarida.
Ilaa haatan ma jiraa cid ka tirsan DFKM oo ka hadashay dilka Col. Afrax Cali Afrax :Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaal qorsheysan ay ku dileen saaka askar ka tirsan DFKM baabuurna ay ka gubeen DFKM dagaalkaas oo ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha.
A/Cawale
Halgan.net