Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo la geeyey magaalada Baladweyne

June 1, 2012 - Written by

Hiiraan:-Waxaa maanta duhurkii gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaa kuwa ka socda dalka Jabuuti waxayna ka soo dageen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne .

Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ayaa waxaa ciidamadan ku soo dhamweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo kan Degmada gobalka Hiiraan waxaan hogaaminayey C/fitaax Xassan Afrax iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka DFKM iyo kuwa Itoobiya.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan ciidamada dalka Jabuuti wuxuuna mid mid u gacan qaaday ciidamadii ka soo degan garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika iyo dowlada Jabuuti ayaa shalay kaga sii horeeyey magaalada B/weyne ciidamada maanta la geeyey kuwaas oo gaaraya qiyaastii 100 askari oo ka socota dalka Jabuuti.

Midowaga Afrika ayaa wada qorshe uu  balaarinayo ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya waxaana u qorsheysan in ay gaarsiiyaan ciidamada AMISOM ilaa 20,000 .oo askari.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online