Kooxo hubaysan oo dhac u geystay shirkada xawaalada Mustaqbal laanteeda Degmada Waaberi
June 30, 2012 - Written byMuqdisho:-Kooxo hubaysan ayaa maanta dhac u geystay shirkada xawaalada Mustaqbal laanta ay ku leedahay Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.burcada dhacday shirkada ayaa waxay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud iyagoo ka baxsaday goobta falka dhaca ah ay ka geesteen.
Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi Axmed Xuseen Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raga falka dhaca ah geystay ay gaarayaan ilaa 5-ruux kuwaasi oo markii ay dhaca geysteen kaddib goobta ka baxsaday wuxuuna sheegay in ay dhaceen lacag gaareysa 2800$ oo doolar.
Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi ayaa sheegay inay ku raadjoogaan kooxihii dhacay shirkada xawaalada Mustaqbal laanta ay ku leedahay Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir ;Falalka lagu dhaco xawaaladaha ayaan ku soo badanaya magaalada Muqdisho iyadoo dhowr mar kooxo hubaysan ay dhaceen shirkado xawaaladeed oo kala duwan.
A/Cawale
Halgan.net