Masuuliin ka tirsan Gobalka Banaadir oo dirqi uga baxsaday weerar gaadmo ah

June 7, 2012 - Written by

Afgooye:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa sheegay in jidka loo galay maanta duhurkii masuuliin ka tirsan gobalka Banaadir kuwaas oo ku sii jeeday Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose waxaana weerarka ku qaaday ciidamo ka tiran ururka Al-Shabaab.

Masuuliyiintan wadada loo galay ayaa waxay mucaawino u wadeen  ciidamada DFKM  ee kusugan degmada Afgooye waxaana ka mid ahaa ragii sigtay  gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobalka Banaadir Warsame Maxamed Jood , Afhayeenka Gobolka Banaadir, Gudoomiyaasha degmooyinka Xamar weyne, Xamar Jajab iyo Degmada Shibis .

Dagaalka ayaa socday mudo waxaana u soo gurmaday masuuliintii wadada loo galay ciiidamo ka tirsan DFKM iyo kuwa ciidanka AMISOM waxaana ay madaafiic is weydaarsadeen cidamada Al-Shabaaab .

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho in dagaalka maanta uu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Masuuliinta wadada loo galay waxaana sidoo kale jira dhaawac aan wili la aqoon tiradooda.

Iska horimaadka ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka u dhexeeya Lafoole iyo Ceelasha halkaas oo noqotay halaq mareen ay dirqi ku maraan saraakiisha iyo masuuliinta DFKM .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online