Muxaadaradii 1aad ee ka digitaanka Gaalaysiinta Muslimiinta Muta’awiliinta Sh Maxamuud Shibli( Video)

June 3, 2012 - Written by

Sh. Maxamuud Sheekh. Maxamed Shibli oo in dhawaaleba masaa’il khatarta ah uga hadlayey si cilmi ah, ayaa xalay waxa uu bilaabay Muxaadaro uu uga hadlayo waxa ay ahlu Sunaha ka yiraahdeen gaaleysiinta dadka muta’awiliinta ah ee ay Culimadu kowda ka yihiin. Shiikha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku sugan yihiin laba qolo oo ku xadgudubtay gaaleysiinta aan shareecada waafaqsaneyn, wuxuuna ku kala sheegay:

1- Qolo hore oo Takfiir loo yaqaan.

2- Qolo kale oo hadda joogta oo aan waxba ka sokeynin Takfiirka caadiga ah.

Shiikha ayaa sheegay in qolyahan dambe ay siyaabo dadban u sheegaan in Soomaalidu ay gaalo u arkaan, balse waxa uu Shiikhu sheegay in duruuftu ay u saamixi la’dahay inay si toos ah bareerahooda u muujistaan. Sh. Shibili ayaa sheegay in qolyahan dambe waxyaabaha ay dadka ku gaaleysiiyaan ay ka soo min-guuriyaan kitaab lagu magacaabo (Idaaratu Tawaxush) oo uu qoray nin lagu magacaabo Abuu Bakar Naaji, wuxuuna Shiikhu carrabka ku adkeeyey in arimahani ayan aheyn kuwa hadda bilowday.

Shiikha ayaa sheegay in dhaqanka Khawaarijta ay ka mid tahay caayidda Culimada iyo leyntooda, wuxuuna intaas ku daray in qolyo ajar ka doonanaya ay jiraan dilka, qixinta iyo caayidda Culimada, wuxuuna tusaale u soo qaatay in Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan uu dilay nin salaad ku garab tukaday.

Sh. Shibli oo ka waramayey waxyaabaha ay qolyahan dambe aaminsan yihiin, ayaa sheegay in ay caado ka dhigteen in meesha laga saaro shuruudihii iyo waxyaabihii qofka ama bulshada Kufriga ka horistaagayay haddiiba uu ku dhaco wax Kufri ah oo sharciga boos looga helo, wuxuuna Shiikhu ka digay in sidaas loogu cayaaro cilmigii ay Culimada Sunadu qarireen.

Dhinaca kale Shiikha ayaa muxaadaradiisa oo socon doonta habeenada soo socda uga waramay sida Culimada Sunadu ayan ugu deg degi jirin dadka Muta’awiliinta ah ee daliilku si kale ula muuqday, wuxuuna soo guuriyey hadaladii ay Culimada Sunadu ka yiraahdeen arinkaas.

Ugu dambeyntii: Sh. Shibli ayaa sheegay inuu ka hadli doono hadalada Culimada ee uu xalay soo guuriyey halka ay ka soo dheegteen iyo nusuusta ay cuskadeen, wuxuuna Shiikhu carrabka ku adkeeyey inuu soo bandhigi doono waxyaabo badan oo si kale dadka loogu aqriyey.

Dadweynihii dhageysanayey Muxaadarada Shiikha ayaa aad ugu riyaaqay Mowduucaan Shiikhu ka hadlay, iyadoona si cilmi ah ay wax badan uga ogaadeen masaa’il waayadan ka taagnaa fagaarayaasha Soomaalida. Illaahay Shiikha ha u barakeeyo Cilmigiisa, cimrigiisa iyo camalkiisa.

Hoos Ka Dhagayso Muxaadaradii 1aad ee ka digitaanka Gaalaysiinta Muslimiinta Muta’awiliinta Sh Maxamuud Shibli( Video).

 

 

Leave a comment

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online