Nadwo ka socotay Masjid Cumar Ibnu Khadhaab ee Qardho oo gashay habeenkeedii Labaad

June 27, 2012 - Written by

Qardho:-Waxaa si habsami ah habeenkii labaad uga socota Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee magaalada Qardho Nadwo cilmiyeedkii 9aad  oo xalay bilaabatay waxaan caawa darsigii 2aad jeediyey Fadiilatu Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed , Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa waxaa uu caawa  muxaadaradiisa ugu magacdaray.(القواعد الجامة لللفتاوى الشرعية )- Qawaacid guud oo ku saabsan Fatawada Diiniga ah ).

Sheekh C/naasir Xaaji Maxamed waxa uu ugu horeyn Darsiga ku bilaabay tilmaamo guud oo uu ka bixiyey fatwooyinka ay dadka aan ahlu cilmiga ahi mudooyinkan dambe sheegaan ama dhinaca kale ay soo saaraan waxaanu Sheekhu xusay in arimahaas ay keeneen dhibaatooyin badan oo umada la soo gudboonaaday ayna ugu horeyso dadkii muslimka ahaa oo dhibaatooyin kala kulmay dadyowga kale ee ay la nool yihiin wakhti xaadirkan ayna sababtay in ay la faquuqo laguna sheego wax aysan ahayn  iyo wax ka sheegna u dheer yahay

Sheekhu waxa uu xusay in mowduucan oo faah faahsan laga heli karo kitaabka الفرق و المذاهب المعاصرة waxa uu intaa raaciyay in kitaabka Sheekha alifay uu qeybaha dambe si fiican ugu qaadaa dhigay faraqda dambe iyo waxyaabaha ay kala aaminsan yihiin. Sheekhu waxa uu tusaale u soo qaatay fatwooyinka lagu deg degay hadal uu qoray Sheekh Ayman Al dawahiri oo wakhti xaadirkan ah madaxa Xarakada Al Qaacida oo uu ku maagayay Sheekh Ibnu Baas ciwaanka uga dhigay إبن باز بين الواقع و الوهم waxaanu xusay in Ayman uu Sheekh Ibnu baas ku tilmaamay waxyaabo aan lagu aqoon sheegayna in uu camiil ama jaajuus u yahay dhinacyo kale oo ay ugu horeyso Dowlada Sucuudiga ah.

Sheekhu waxa uu dhinaca kale soo qaatay fatwooyinka lagu deg degay ee ka soo baxay Xarakada Al shabaab oo dadka intooda badan gaar ahaan Culimada ku sheegtay in ay yihiin cumalo u shaqeysa gaalada ama jihaadka diidan waxaanu dhinaca kale Sheekhu sheegay in Al shabaab ay sheegtay in Culimada qaar ka mid ah ay waajib tahay in la dilo taasina ay muujineyso fikirka gaaleysiiinta ku dhisan ee ay aamisan yihiin , waxa uu Sheekhu dhinaca kale shegay in Xarakadu ay sheegtay in ay qeyb ka tahay urur weynaha Al qaacida ayna la qabto fikirka uu Ururkaasi ku shaqeeyo.

Sheekhu waxa uu sheegay in Fatwada marka la sameynayo ay lagama maar maan tahay in Fatwada la soo sarayo ay waajib tahay in loo cuskado Diinta ayna ka mid tahay qaacidooyinka fatwada lagu soo saaro laguna daro fatwada waxa ay diintu qabto ee ah maslaxada iyo mafsadada , waxaana lagama maar maan ah ayuu sheekhu yidhi in fatwada loo cuskado Kitaabka Alle CW iyo Axaadiista Nabiga CSW ka sugnaatay intaa kadibna laga darayo aragtida ay qabto Culimadii Salafka .

Sheekhu waxa uu soo qaatay Hadal uu yidhi C/laahi Ibnu Mascuud oo ahaa qofku in uu yidhaahdo waxa uu garanayo waxa uusan garaneyna oo dhoho Alle iyo rasuulkiisa aya og una cilmi leh . Sheekhu waxa uu intaa ka dib ka Hadley in Culimadii Salafku ay Masalooyinka aysan ku deg degi jirin xukunka sidaa oo kale ay ahaayeen kuwo ka fiirsada maslooyinkana intooda badan ay ahaayeen kuwo ay wakhti ku bixiyaan, waxa uu Sheekhu xusay in dadka fatwooda waxa ay kitaabka ku arkaan ay noqonayaan kuwo dadka lumiya iyaguna ay noqonayaan kuwo lunsan..

Sheekhu waxa uu dhinaca kale tilmaamay in dadka marka loo qar naqayo ay tahay in cadaalada loo eego aysana dhicina in dhinac kaliya arinta laga eego si aysan u dhicin in garta dhinac kaliya loo rido. Sheekhu waxa uu intaa ka dib sheegay hadal ay saxaabadii Rasuulka weydiiyeen oo ahayd dhulka halka ugu kheyrka badan iyo halka ugu sharka badan Nabiguna SCW uu yidhi garan mayo Nabugna CSW uu sii weydiiyay Malakul Jibriil Malaguna uu ku jawabay garan mayo , intaa ka dibna nabiga waxyi loogu sheegay in dhulka meelaha ugu kheyrka badani ay tahay Masaajidda suuqyaduna ay yihiin meelaha ugu sharka badan.

Sheekh C/naasir waxa uu sheegay in Sheekh Ibu Cabdul bari uu sheegay in uu soo gaadhay 120 ka mid ah Saxaabadii Nabiga SCW uuna xusay in Saxaabadu ay ahayeen kuwo aan ku deg degi jirin saxaabi kastaana uu rajeyn jiray in asxaabta kale ay arintaa ka kaafiyaan isaga la weydiinayo uuna dhihi jiray saxaabada kale weydiiya isaga oo ka cararaya fatawada , waxa uu Sheekhu xusay in arintaa waxa laga fahmayaa ay tahay sidii ay saxaabadu uga cabsan jirtay ku dhiirashada fatwada .

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed waxa uu dadka ku booriyay in laga haboon yahay in lagu deg dego ama lagu fududaado mas’alooyinka aan laheyn waxa ay Culimadu horey uga yidhaahdeen loona baahan yahay in wax walba kaadsiinyo loo lahaado hadii lagu fududaadana ay keeneyso in dadku wax walba moodaann diin jideysan , waxaanu dhinaca kale uu carabka ku adkeeyay in culimadu ay u wanaagsan tahay in masalooyinka ay wada tashi iyo niqaash ka sameeyaan si dadka loogu cadeeyo masalooyinka la xidhiidha arimaha diinta .

Sheekhu waxa uu darsiga ku soo gabagabeeyay Culimada Calaamka iyo sida ay fatwooyinka u soo saaraan wuxuuna sheegay in Culimadu ay tahay mid isku xidhan ayna leedahay majmacyo ay ku kulansan yihiin guud ahaantood iyo kuwo dal kastaa u gaar ah midaasina ay ka muuqaney so sida Culimadu u tahay mid isku xidhan wax walbana oo umadda iyo arimaha diinta la xidhidhana ay yihiin kuwo u mideysan.

Sheekha ayaa dhinaca kale habeen dambe yeelan doona darsiga labaad ee Nadwada wuxuuna dhameystir u noqon doonaa Darsiga caawa baxay. Darsiga waxaa xooga tacliiq ah raaciyay Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ka mid ah Culimada ka qeyb galeysa Nadwada sidoo kalena ah Madaxa Kuliyadda Shareecada ee Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso , waxaanu Sheekhu timaamay in wakhti xaadirkan la marayo in qof walbaa waxa uu arko sida uu u doonayo uu u sheegayo dadkana ay hormuud u noqdeen dad cilmi yar oo da’doodu aysan gaadhsiinayn xiligii xilkasnimada lagu tilmaami jireen ayna dhinaca kale wax ka sheegayaan Culimo ka cilmi iyo cimriba badan cilmigana faafin jiray wakhti aysan dhalan ayna ku sheegayaan in Sheekhu uu yahay kitaab gab ama mid cilmi yar.

Muxaadarada Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaan idiin soo gudbin doonaa haddii alle idmo markii ay na soo gaarto ee ha moogaanina

Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online