Qarax geystay khasaare oo xalay ka dhacay magaalada Mombasa

June 25, 2012 - Written by

Mombasa :-Qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa waxa uu  xalay ka dhacay magaalada Mombasa caasimadda labaad ee dalka Kenya.Qaraxa ayaa waxa uu ka dhashay bambo la dhigay goob lagu caweeyo oo ku taala magaalada Mombasa, faahfaahin intaas dheerna lagama bixinin qaabka qaraxu ahaa.

Ilaa 3 qof ayaa ku dhintay qaraxa, dhaawacyo soo gaaray tiro dad ahna waa jiraan, iyadoona ciidanka ammaanku ay wadaan howlgal ay ku baarayaan nooca qaraxa iyo cidda ka dambeysa.

Magaalada Mombasa ayaa waxaa ku taala dekedde ugu weyn bariga afrika, waxaana ay u adeegtaa dhammaan dalalka ku yaala bariga iyo bartamaha afrika, waxaana sidoo kale Mombasa ay caan ku tahay Dalxiiska.

Dalka Kenya ayaa intii ciidankiisa ay gudaha u galeen waddanka Soomaaliya, waxaa ku soo badanayey qaraxyada iyo falalka ammaanka lidka ku ah, waxaaana dowladda Kenya amuurahaasi ku eedeysaa dagaalyahannada xarakada Al-Shabaab.

Halgan.net

Leave a comment

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online